Raysal Wasaare Rooble Oo Gaadhay Magaalada Dhuusamareeb Ee Xarunta Maamulka Galmudug

Madaxweynaha maamulka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa galabta Garoonka Diyaaradaha Caasimadda Galmudug ee Ugaas Nuur kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayay.

Socdaalkan galabta Ra’iisul Wasaaraha kusoo gaaray Dhusamareeb ayaa ku saabsan inuu ka qeyb galo shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah oo la filayo inuu barri si rasmi ah u furmo.

Waxaa sidoo kale lagu waddaa in magaaladaasi uu gaaro Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa maanta gaaray Dhuusamareeb Madaxda maamulada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, waxaana berri tagi doona Madaxda Jubbaland iyo Puntland.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxwayne Doorashada Dib U Dhig Doorashada” Maxamed Siciid Bk Ku Baaqay In Dib Loo Dhigo Doorashada

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiir Maxamed Kaahin Oo Xisbiyada Mucaaridka Ah Ku Eeseeyay In Ay Ciidan Beeleed Samaysteen

Bnnstaff Bnnstaff

Ruushka Iyo Pakistan Oo Tijaabiyay Gantaalo Cusub Iyo Xogo Cusub

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More