Maraykanka Oo Sheegay In Ay Iraan Wax Yar Uun Uga Hadheen In Ay Hesho Hubka Nukliyeerka

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Xukuumadda Iiraan ay maalmo u jirto helitaanka agab ku filan oo ah hubka nukliyeerka hadii ay sii waddo xakameynta marnaamijkeeda Atoomikada.

Qiimeynta waxaa sameeyay xoghayaha cusub ee Mareykanka Antony Bliken, waxaana uu hadalkaan sheegay xili uu la hadayay warbaahinta Mareykanka ee NBC.

Iiraan waxaa ay ka baxday heshiiskii caalamiga ah ee Nukliyeerka sanadkii 2015-kii kadib markii ay is maageen madaxweynihii xiligaas Donald Trump .

Xiligii uu Mr Trump madaxweynaha ahaa wuxuu sheegay in Iiraan ay ka baxday qaar ka mid ah waxyaabihii heshiiska saldhiga u ahaa .

Maamulka madaxweynaha cusub ee Biden ayaa hadda u muuqada in uu diyaar u yahay inuu Iiraan kala xaajoodo ku laabashada heshiikii Nukliyeerka.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Wasaarada Caafimaadka Somaliya Oo War Ka Soo Saartay Xaaladaha Cusub Ee Covid 19 Baaqna U Dirtay Bulshada

Bnnstaff Bnnstaff

Shaqaale Ajaanib Ah Oo Muddo 8 Bilood Ah Ku Xayiran Gudaha Dalka Soomaaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwaynaha La Doortay Ee Maraykanka Oo Laalay Go’aankii Trump Muslimiinta Kaga Mamnuucay Maraykanka

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More