Dagaal khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay duleedka Dhuusamareeb

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay waxaa ka dhacay duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug.

Dagaalkan ayaa ka dambeeyay ka gadaal markii xubno la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab ay weerar loo adeegsaday madaafiic ku qaadeen Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Dhuusamareeb oo qaarkood ku dhacay xaafaddo ka tirsan Magaalada.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka qeybta 21-aad ayaa sheegay inay dileen mid kamid ah xubnihii xalay soo tuuray hoobiyeyaasha ku dhacay Caasimadda Galmudug, mid kalena ay gacanta ku dhigeen, waa sida hadalka loo dhigay.

Guddoomiyaha Magaalada Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow ayaa sheegay in Ninka la dilay iyo midka la qabtay Ciidamada ka qaabteen hubkii ay wateen, isla markaana ay warbaahinta u soo bandhi doonaan.

Al-shabaab ayaa weerar lo adeegsaday madaafiic xoogan ku garaacday garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb, waxaana la sheegay in mid kamid ah madaafiicda ay ku dhaawacmeen saddex ruux oo ku sugnaa maqaaxi ku taalla gudaha Magaalada.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweyneyaasha maamulada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa ku sugan Caasimadda Galmudug, waxaana halkaas ka furmi doona Shir wadatashi ah.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

Muuqaalka Sargaal Ka Amar Qaata Dhaxal Sugaha Imaaraadka Oo Lagu Arkay Xuduudka Sudan Iyo Itoobiya

Bnnstaff Bnnstaff

Galmudug Oo Sheegtay In Ay Jawaab Deg Deg Ah Ka Bixinayso Qaraxii Gaalkacyo

Bnnstaff Bnnstaff

Ruushka Oo Digniin U Diray Siyaasiyiinta Isku Haaya Doorashada Soomaaliya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More