Muwaadin Somaliyeed Oo Lagu Dilay Dalka Canada

Rag hubeysan ayaa Magaalada Toronto ee dalka Canada waxaa ay ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Soomaalida ku nool dalkaas, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Dilka muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Haashim Cumar Xaashi ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada 40 Falstaff ee Magaalada Toronto, waxaana la sheegay in la rasaaseeyay xilli gaarigiisa uu kala soo baxayay Garaash ku yaal halkaas.

Xildhibaan Feysal Xasan oo ka tirsan Baarlamanka Gobolka Ontario ee dalka Canada ayaa sheegay in Haashim xilliga la dilayay uu kujiray nolol maalmeedkiisa caadiga ah, isla markaana dilkaas uu walaac ku abuuray Waalidiin farabadan.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray inay soo laab laabteen dilalka lagu hayo Soomaalida, hayeeshee uu sheegay in ay kala hadlayaan Madaxda gobolka Ontario ee dalka Canada beegsiga lagu haayo Soomaalida.

Dilka Haashim Cumar Xaashi ayaa noqonaya kii 5aad oo gudaha magaalada Toronto loogu geysto Muwaadiniin Soomaali ah, iyada oo booliska Magaalada ay sheegeen inay wadaan baaritaano ku aadan sababaha kordhiyay dilalka Soomaalida.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

General Xaftar Oo Qorshaynaya Weeraro Cusub Oo Uu Ku Soo Qaadayo Magaalooyinkii Laga Qabsaday

Bnnstaff Bnnstaff

Qarax Ka Dhacay Magaalada Jawhar Ee Caasimada Hirshabeele Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiiro Ka Socda Dowlad Dagaanka Somalida Itoobiya Oo Kulan La Qaatay Maamulja Gobolka Awdal

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More