Borama News Network

Maamulka Puntland Oo Shaacisay Tirada Daacish Looga Dilay Duqeyn Xalay Ka Dhacday Gobolka Bari

Maamulka Puntland ayaa sheegay in duqeyn xalay ka dhacday deegaanka Miraale ee gobolka Bari lagu dilay ilaa 25 dagaalame oo ka tirsan Daacish.

Warka Puntland ay baahisay ayay ku sheegtay in duqeynta ay fulisay dowladda Imaaraadka Carabta, oo gacan ka helaysay “howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland”.

Goobta duqeyntu ka dhacday ayaa maamulka Puntland waxaa uu ku sheegay “talis” ay isku aruursanayeen kooxdu.

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa howlgallo ka sameeyay deegaannada Kalriyaad, Saax iyo Madaah ee Gobolka Bari oo ay ku yaallaan saddex Ceel-Biyood oo muhim u ah deegaannadaasi. Waxaana ciidamadu burburiyeen sida wararkus heegayaan xaruumo ay halkaa ku lahaayeen Daacish.

Related posts

Sheekh Shariif”,Awal wax-garad ayaa na hogaamin jiray maanta kan qoriga garabka ku wata”

Abdiaziz Bnnstaff

Dawladda Soomaaliya Oo Ka Doonaysa Tansaaniya In Ay Soo Wareejiso Maxaabiista Soomaalida Ah Ee Ku Xidhan Dalkeeda

Abdiaziz Bnnstaff

Golaha Wasiirrada DG Puntland oo kahor yimid ansixinta 4ta cutub ee qabyo-tirka lagu sameeyay

Abdiaziz Bnnstaff