Borama News Network

Diyaarahada Dagaalka Israel Oo Duqaymo Ka Fuliyay Deegaano Ka Tirsan Dalka Suuriya

Kooxda la socota xuquuqda bini’aadanka ee Suuriya ayaa sheegtay in ciidamada cirka ee Israa’iil ay weerarro isdaba joog ah ku qaadeen saldhigyada ciidamada Suuriya ee aagagga Dimishiq iyo Daraca, halkaas oo ay ku dileen ilaa 4 qof.

Waxaa lagy tilmaamay weerarrada Israa’iil inay ahaayeen kuwii ugu xoogganaa tan iyo bilowgii sanadkan.

Ilaa 4 weerar ayaa lala beegsaday xarunta dhexe ee qeybta koowaad oo ay ku jiraan dabaabaadka dagaalka, waxaana sidoo kale laga maqlay magaalada Azraa qaraxyo ka dhashay weerar ay Israa’iil ku beegsatay guutada 112-aad ee ku sugan baadiyaha Darca, sida uu sheegay qof goobjooge ah.

Ciidamada Israa’iil oo ay taageerayaan gaadiidka dagaalka ayaa gudaha u galay dhanka tuulada Al-Bakkar oo dhanka galbeed kaga beegan magaalada Daraca.9

Related posts

Madaxwayne Hore Cabdiqaasin:- “Somaliland Waa Gobol Kamid Ah Jamhuuriyadda Soomaaliya Mana Gali Karto Heshiis”

Abdiaziz Bnnstaff

Raysal Wasaare Xamse ” “Maanta Wixii Ka Danbeeyo Waxaa Na Dhaaftay Tii Gaajo Aheyd”

Abdiaziz Bnnstaff

Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi Oo War Ka Soo Saartay Weerarkii Xalay Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Abdiaziz Bnnstaff