Sheekh Shariif Iyo Gudoomiye Xaashi Oo Kulan Xasaasiya Oo Yeeshay

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabd Xaashi Cabdullaahi ayaa Maanta kulan la qaatay Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sh Axmed ahna hoggaamiyaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha.

Kulanka oo ka dhacay hoyga Guddoomiye Cabdi Xaashi uu booqday Shariifka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan Arrimaha doorashooyinka dhacaya oo weli muran xoogan uu ka taagan.

Sidoo kale labada dhinac ayaa diirada saaray sida lagu xalin karro arrinta Xildhibaanada Baarlamaanka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland oo siwen isugu hayaan Guddoomiye Xaashi iyo dowladda Federaalka.
Warar la helayo ayaa sheegaya in inta uu socday kulanka lagu soo hadal qaaday Shirka Madxada dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada Maanta ugu farmaya Magaalada Dhuusamareeb, kaasi oo looga hadli doono khilaafka doorashada.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa xalay dalbaday inuu ka qeyb galo Shirka furmaya, isla markaana warqad u diray Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, in kastoo aan weli looga soo jawaabin sida aan wararka ku helnay.

Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa ku baaqay in la balaariyo Shirka Maanta Madaxda uga furmaya Magaalada Dhuusamareeb, ayna ka qeyb galaan saamileyda siyaasadeed ee dalka, si xal looga gaaro caqabadaha ku hor gudban qabsoomida doorashada 2021.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dowlada Itoobiya Oo Bilowday Inay Koronto u Dhoofiso Dalka Kenya

Bnnstaff Bnnstaff

Oday Wadooyinka Muqdisho La Dhex Wareegaya Sawirka Boqor Buurmadaw Oo Uu Doonayo In Uu La Kulmo

Bnnstaff Bnnstaff

Xisbiga Wadani Oo Cambaareeyay Go’aankii Ay Wasaarada Ciyaaruhu Ka Soo Saartay Ciyaartii Hawd Iyo Daadmadheedh

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More