Saraakiil Ka Tirsanayd FBI-da Maraykanka Oo Lagu Laayay Gobolka Florida

Hey’adda Danbi-baarista Mareykanka ee loo soo gaabiyo FBI ayaa sheegtay, in laba ka mid ah saraakiisheeda lagu dilay saddex kalana lagu dhaawacay, iska hor imaad shalay subax ka dhacay gobolka Florida.

Shilkan ayaa dhacay, kaddib marki saraakiil ka tirsan FBI-da ay isku dayeen in ay baaraan, guri ku yaalladegmada Fort Lauderdale halkaas oo looga shakisanaa inay ka socdeen fal danbeyeed ka dhan ah carruur.

Qofka looga shakisanyahay inuu weeraray saraakiisha FBI-da ayaa la xaqiijiyay in isna dilay. Wararka qaar ayaa sheegaya inuu isaga is dilay.

Hey’adda FBI-da ayaa weeraraki Talaadadi ku sheegtay, kii ugu khasaaraha badnaa ee soo gaara saraakiil ka tirsan FBI muddo sannado ah.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Wasiirka Hawlaha Guud Ee Somaliland Oo Soo Saaray Go’aan Caqabad Ku Noqonaya Ganacsatada Suuqa Waaheen

Bnnstaff Bnnstaff

“Farmaajo Waa Astaanta Qaranka Cabdi Xaashina Waa Hoggaamiye Mucaarad Ah Lana Shaqeysta Mucaaradka” Mahdi Guuleed

Bnnstaff Bnnstaff

Xildhibaan Mahad Salaad”Fariinta Golaha Shacabka Loo Diray Maanta Waa Naso Gaadhay Waanan Tageyna Shirka berrito”

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More