Safiirka Ingiriiska Ee Somaliya Ben Fender Oo Dalab U Diray Madaxda Dowladda Iyo M/Goboleedyada

Safiirka dowladda Ingiriiska u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Ben Fender ayaa ka hadlay Shirka Madaxda dowladda Federaalka, kuwa maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir uga furmaya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Safiir Ben Fender oo muuqaal iska soo duubay ayaa waxaa uu marka hore kusoo dhaweeyay shirka uu ku baaqay Madaxweyne Maxamed Farmaajo, wuxuuna sheegay in muhiim ay tahay in xal buuxa laga gaaro khilaafka ka taagan doorashada dalka.
Waxaa uu Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamulada ugu baaqay inay tanaasul ka sameeyan caqabadaha ku hor gudban qabsoomida doorashada, isla markaana cid kasta oo saamiley ah ay ka qeyb qaatado doorasho heshiis lagu yahay.

“Waxaan ugu baaqayaa Madaxda ku shireysa Magaalada Dhuusamareeb tanaasul, doorasho heshiis lagu yahay oo cid walba qeyb ka tahay, taariikhduna ay xusi doonto qofkii doorashada dan shaqsi ugu afduubnaato” ayuu yiri Safiir Ben Fender.

Beesha Caalamka ayaa wada dadaal xoogan oo ku aadan sidii xal buuxa looga gaari lahaa khilaafka hortaagan doorashooyinka ka dhacay Soomaaliya, waxaana Wakiilka Qaramada Midoobay ee James Swan uu kulamo ka qaatay Madaxda maamul Goboleedyada iyo Madaxweyne Farmaajo, isagoo kala hadlay xal u helida khilaafka.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Qaar Ka Mid Ah Madaxda Maamulada Somaliya Oo Kulan La Qaatay Midowga Murashaxiinta

Bnnstaff Bnnstaff

Madxwayne Joe Biden Iyo Xaaskiisa Oo Booqday Dugsigii Uu Weerarka Ka Dhacay

Bnnstaff Bnnstaff

“Kuwii Xukuumada Iyo Xisbiyada Isku Soo Dhaweeyay Dibada Laga Dhigay.” Sheekh Xildhibaan Siciid

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More