Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Booliska dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa waaberigii hore ee saakay lagu daadiyay waddooyinka waaweyn ee Magaalooyin ka tirsan maamulka Puntland, waxaana laga helayaa faah faahino.
Sababta Ciidamada loogu daadiyay waddooyinka Magaalooyinka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay in lagu ogaado qabashada lacagta Shilinka Soomaaliga oo laga diidayay maalmihii lasoo dhaafay Suuqyo ku yaalla halkaas.
Sidoo kale Ciidamada oo qeyb ka yihiin kuwo dharcad ah ayaa lagu amray inay xabsiga dhigaan cid kasta oo diida isticmaalka iyo socod-siinta Shilin Soomaaliga, isla markaana ciddii diida ka qaadan tallaabo adeg.
Dad ku sugan Garoowe iyo Boosaaso ayaa soo weriyay in Ciidamo badan saakay lagu arkay agagaarka Suuqyada Magaalooyinka, isla markaana Ciidanka qaarkood ay sitaan lacago Shilin Soomaali ah oo ay ku ogaanayaan ganacsatada diideysa Shilinka.
Maamulka Puntland ayaa horey Ganacsatada ugu amray inay qaatan lacagta Shilinka Soomaaliga, kadib markii dhowr mar banaanbaxyo looga soo horjeeday diidmada Shilinka ay dhigeen boqolaal oo kunool deegaanada Puntland.
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com