Borama News Network

Xamaas oo diidday soo jeedin lagu xurmeynayo Ramadaanka iyo Israa’iil oo ka carootay

Israa’iil ayaa xannibtay dhammaanba gargaarkii bani’aadannimo ee geli lahaa Qasa iyadoo Xamaas ka dalbaneysa inay oggolaadaan qorshaha Mareykanka ee kordhinta xabbad-joojinta.

Wejigii ugu horreeyay ee xabbad-joojinta ayaa ku ekaa shalay. Xafiiska Raysal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Xamaas ay ilaa iyo haatan diidday inay aqbasho kordhin ku meel gaar ah oo heshiiska xabbad-joojinta ah oo uu soo jeediyay ergayga Donald Trump, Steve Witkoff.

Afhayeen u hadlay Xamaas ayaa isna sheegay in xannibidda gargaarka geli lahaa Qasa ay ahayd “cago-jugleyn raqiis ah” iyo “afgembi” lagu sameynayo heshiiska xabbad-joojinta wuxuuna dhexdhexaadiyeyaasha ku boorriyay inay soo faro-geliyaan.

Kooxda Falastiiniyiinta ayaa dooneysa in wejiga labaad ee heshiiska uu billowdo sidii hore looga wada-xaajooday, ayna sii socdaan sii deynta la heystayaasha iyo maxaabiista Falastiiniyiinta iyo in ciidamada Israa’iil ay isaga baxaan Qasa.

Waxay hore u sheegtay inaysan oggolaan doonin kordhin walba oo lagu sameeyo wejiga koowaad iyadoo aan damaanad laga heysan dhexdhexaadiyeyaasha Mareykanka, Qadar iyo Masar oo ku aaddan in wejiga labaad uu durba bilaaban doono.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Netanyahu ayaa lagu yiri: “Iyadoo uu dhammaaday wejiga 1-aad ee heshiiska la haystayaasha, iyadoo ay jirto diidmada Xamaas ee ah inay aqbasho sharuucda Witkoff ee wada-hadallada sii socda – oo Israa’iil ay oggolaatay – Ra’iisul Wasaare Netanyahu wuxuu go’aansaday in, laga bilaabo saaka, dhammaan gelitaanka badeecadaha iyo saadka ee Marinka Qasa ay joogsan doonaan.

“Israa’iil ma oggolaan doonto xabbad-joojin iyadoo aan la sii deyn la haysteyaasheenna, haddii Xamaas ay sii waddo diidmadeeda, waxaa jiri doona cawaaqib kale oo dheeraad ah.”

Afhayeen u hadlay Xamaas ayaa yiri: “Go’aanka Netanyahu uu ku joojinayo gargaarka Qasa mar kale wuxuu muujinayaa wejiga foosha xun ee gumeysiga Israa’iil…Beesha caalamka waa inay cadaadis ku saarto xukuumadda Israa’iil si ay u joojiso inay macluul baddo dadkeenna.”

Goor dambe xalay ayaa xafiiska Netanyahu waxa uu sheegay in Israa’iil ay oggolaatay soo jeedinta Maraykanka ee ah in xabbad-joojinta la sii wado ilaa lix toddobaad inta lagu guda jiro bisha Ramadaan ee Muslimiinta iyo maalmaha Yuhuudda.

Haddii, dhammaadka muddadan, wada-xaajoodyadu ay gaaraan dhammaadka, Israa’iil waxay ilaalinaysaa xuquuqda ay dib ugu noqonayso dagaalka.

Ergeyga Maraykanka Witkoff si shaac ah uma uusan soo bandhigin soo jeedintiisa. Sida laga soo xigtay Israa’iil, waxay ku bilaabmi doontaa sii deynta kala bar dhammaan inta nool iyo kuwa dhintay ee la haysto.

Witkoff ayaa soo jeediyay lix todobaad oo dheeri ah ka dib markii uu ku qancay in loo baahan yahay waqti dheeri ah si la isugu dayo in la soo afjaro khilaafaadka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas lana siiyo shuruudo lagu soo afjarayo dagaalka, sida lagu sheegay bayaan hore oo ka soo baxay xafiiska Netanyahu.

Israa’iil waxay isla markiiba bilaabi doontaa wada-xaajood ku saabsan arrintan haddii Xamaas ay bedesho mowqifkeeda ku aaddan kordhinta xabbad-joojinta ee lixda toddobaad ah, xafiiska Netanyahu ayaa sidaas yiri.

Related posts

Itoobiya “Taageerada Masar Ee Somalia Walaaltinimo Kama Ah Ee Waa Cadaawada ay Itoobiya u Qabaan”Itoobiya

Abdiaziz Bnnstaff

Xildhibaan Indho Indho Oo Ku Baaqay In Somaliland Laga Qabto Wasiirka Maaliyasa Sacad Cali Shire

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Muuse Biixi Oo Safar Aan La Sii Shaacin Ku Tegay Magaalada Galilay

Abdiaziz Bnnstaff