Qorshe dib u dhis oo ku kacaya qarash dhan 53 bilyan oo doollar oo lagula dagaallamayo fikradda madaxweyne Donald Trump ee ah in Maraykanku “la wareego Qasa” oo uu ka saaro in ka badan laba milyan oo Falastiiniyiin ah ayaa waxaa ansixiyay hoggaamiyeyaasha Carabta shir kadib degdeg ah oo ka dhacay caasimadda Masar ee Qaahira.
“Qorshaha Masar hadda waa qorshe Carbeed,” ayuu kyiri Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abuul Qayd oo gunaanadkii shirkan oo saacado qaatay ka hadlay.
Isaga oo aan si gaar ah carabka ugu dhufan fikradaha madaxweyne Trump, waxa uu hoosta ka xarriiqay in “mawqifka Carabta uu yahay in la diido barakicin kasta, ha ahaato mid ikhtiyaari ah ama mid Khasab ah”.
Masar waxay soo saartay hannaan faahfaahsan, oo leh dukumeenti ka kooban 91 bog oo ay ku jiraan sawirrada xaafadaha iyo dhismayaasha waaweyn oo ah kuwa dadweyne, si ay uga hortagaan qorshaha Maraykanka ee Falastiiniyiinta looga rarayo Qasa, kaas oo ka yaabiyay dunida Carabta iyo dalal kale.
Khudbadiisii furitaanka, madaxweynaha Masar Cabdul Fatax al-Sisi wuxuu ku baaqay qorshe barbar socda kan dib u dhiska Qasa oo ah in lagu dhaqaaqo xalinta dhibaatada Bariga dhexe, isagoo muujiyay in xalku ku jiro laba dowladood oo micnaheedu yahay in la helo dowlad Falastiiniyiintu leeyihiin oo la siman Israa’iil.
Dowladaha ka qayb galaya shirka waxaa ka mid ah Soomaaliya waxaana Qaahira ku sugan wafdi uu hoggamainayo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.
Ra’iisal wasaare Xamsa oo khudbad ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka soo horjeeddo hadalladii ka soo baxay Israaiil ee la xiriiray barakicinta shacabka reer Falastiin, taas oo “xad-gudub cad ku ah” sida uu sheegay qawaaniinta iyo heshiisyada caalamiga ah iyo xuquuqda aadanaha.
Ra’iisal Wasaaruhu waxa uu bogaadiyay dhabar adeyga shacabka reer Falastiin, isagoo sheegay in dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo shacabkeeda ay taageerayaan xaqa ay u leeyihiin dhismaha dowlad u gaar ah oo madax bannaan.
Arintan ayaa ah mid ay dowladaha Carabta iyo qaar kale oo badan u arkaan in ay tahay xalka kaliya ee lagu xalin karo khilaafkan joogtada ah, balse waxaa arrintaan diiddan ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo xulafadiisa.
Qorshahan cusub wuxuu soo jeedinayaa in Qasa si ku meel gaar ah uu u maamulo, “Guddiga Maareynta Qasa guddi la yiraahdo oo hoos taga dowlad Falastiin leedahay,” kaasoo ka koobnaan doona khubaro aqoonyahanno ah.
Arrintaan waxay keenaysa in wax la iska waydiiyo doorka Xamaas haddiiba uu jiro, iyadoo uu muuqanayo madmadow ku saabsan caqabadda ka imaan karta kooxdaan hubeysan.
Dawladaha Carabta qaarkood ayaa la og yahay inay ku baaqayaan in gebi ahaanba la burburiyo Xamaas; kuwo kale ayaa aaminsan in go’aamadaas loo daayo Falastiiniyiinta. Xamaas ayaa la sheegay in ay aqbashay in aysan door ku yeelan doonin maamulka Qasa balse waxa ay cadeeyeen in hub ka dhigista ay tahay khad cas.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, oo ku tilmaamay qorshaha madaxweyne Trump inuu yahay “aragti cad”, ayaa marar badan meesha ka saaray in wax door ah Xamaas ku yeelato mustaqbalka arrintaan ama maamulka Falastiiniyiinta.