Wararka laga helayo jiidda hore ee dagaalka ee degaanka Tukaraq ayaa sheegay in halkaas ay soo gaareen ciidamo hor leh oo ka tirsan maamulka Somaliland.
Ciidamada soo gaaray aagga dagaalka Tukaraq oo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan iyo gawaarida dagaalka ayaa ku biiray ciidamada Somaliland ee halkaas ku sugnaa, waxaana laga cabsi qabaa in mar kale uu dagaal dhex maro ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland.
Ciidamada soo gaaray deegaanka Tukuraq ayaa kusoo aadayo xilli shalay uu halkaas gaaray Abaan-duulaha Ciidamada Somaliland S/Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulllaale, waxaana safarkiisa ku wehlinayay saraakiil kale .
S/Guuto Cabdirisaaq ayaa ciidamada ku sugan aagga dagaalka kula dardaarmay inay dalkooda u dhintaan isla markaasna ay xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada Puntland.
Dhanka kale ciidamada Puntland ayaa iyagana bilaabay dhaqdhaaq ciidan oo xooggan, waxaana laga yaabaa in mar kale ay isku gacan qaadaan Somaliand iyo Puntalnd.
Dhowr jeer oo hore ayaa waxaa deegaankani dhaca gobolka Sool, waxaa siyaabo kala duwan uga dhacay dagaallo sababay khasaare hantiyadeed iyo mid nafeed isugu jira.
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com