Borama News Network

Khasaare xooggan oo ka dhsahay isku dhac dhex maray ciidamda Suuriya iyo kuwo daacad u ah Assad

Hay’ad u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay, in dowladda ku meel gaarka ah ee Suuriya ay billowday howlgal ballaaran, kaas oo lagu sugayo ammaanka, kaddib markii uu billowday dagaal ay kula jiraan, taageerayaasha madaxweynahii xilka laga tuuray, Bashaar Al-asad.

In ka badan 70 qof ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen iska horimaadyadan, kuwaasoo billowday markii ciidamada dowladda weerar gaadmo ah lagu qaaday xili ay ku sugnaayeen magaalada Latakia, oo mar ahaan jirtay xarun ay ku xooggan yihiin qoyska Asad.

Bandow ayaa lagu soo rogay magaalada, iyo sidoo kale agagaarka magaalooyinka Tartous iyo Homs.

Rabshadaha ayaa ah caqabadii ugu weyneyd ee soo wajahda maamulkaa cusub ee Suuriya, tan iyo markii ay Meesha ka saareen nidaamka Bashaar Al-Asad bishii December.

Related posts

Toos U Daawo Xaflada Xilwareejinta Madaxwaynaha Iyo Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

“Madaxwayne Waa Lagaa Shakisan Yahay Ee Is Barax” Siyaasi Galaal Oo Fariin Culus U Diray Madaxwayne Biixi

Abdiaziz Bnnstaff

“KULMIYE wuxuu qaaday Wadadii Udub anaguna Waan iska Casilnay ” madax KULMIYE iska casilay

Abdiaziz Bnnstaff