Borama News Network

Trump oo arrin adag ku tilmaamay la macaamilka Ukraine marka la barbar dhigo Ruushka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in ay aad ugu adag tahay, si daacad ah, in lala macaamilo Ukraine, marka loo eego Ruushka isku dayada uu ku doonayo in labada dal uu nabd ka dhex dhigo.

Mareykanka ayaa si aad u wanaagsan ula shaqeynaya Ruushka, waxaana laga yaabaa inay ka sahlanaato la macaamilka Moscow marka loo eego Kyiv, Trump ayaa sidaas u sheegay wariyaasha Jimcihii shalay.

Saacado ka hor, Trump waxa uu sheegay in uu “si adag uga fiirsanayo” cunaqabatayn ballaaran iyo canshuuro la saaro Ruushka ilaa laga gaarayo heshiis ay xabadda ku joojinayaan labada dhinac.

Maraykanka ayaa si ku-meel-gaar ah u hakiyay helitaanka Ukraine ee sawirrada dayax-gacmeedyada qaar, sida ay BBC Verify u sheegtay shirkadda tiknoolajiyadda hawada ee Maxar, ka dib markii Trump horey u hakiyay gargaarkii milatariga ee dalkaas.

Tallaabadaan ayaa imaaneysa, iyadoo dhawaan labada madaxweyne xilli ay ku suganaayeen Aqalka Cad ay isku dhaceen markaas oo Trum uu ku dhaleeceeyay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky inuu “ixtiraam darro” u hayo Mareykanka.

Arrintaas waxaa xigtay Trump oo hakiyay dhammaan kaalmadii milatariga Mareykanku ay siin jireen Ukraine iyo is waydaarsiga siraha ee Kyiv.

Kadib Ruushka ayaa habeenimadii Khamiista weerarro loo adeegsaday gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ku qaaday kaabayaasha tamarta ee Ukraine.

Hanjabaadda Trump ee ah in cunaqabatayn dheeri ah lagu soo rogi doono Ruushka oo markii horeba cunaqabatayn culus saarneed ayaa sida muuqata jawaab ka bixinayay weerarkan. Waxa uu sheegay in uu ka fiirsanayo canshuuraha cusub sababtoo ah “Ruushku si xun ” ayuu u garaacayaa Ukraine” ayuu yiri.

Laakiin saacado gudahood, Trump wuxuu sheegay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu u dhaqmayo sida qof kasta oo kale sameeyo.

“Waxay ila tahay inuu iyaga [Ukraine] u duqeynayo si ka daran sidii uu u garaacayay,” ayuu yiri Trump. Isagoo intaa raaciyay “oo waxaan filayaa in qof kasta oo booskaas jooga uu sidaasi samayn lahaa.”

Waxa uu intaa ku daray in uu aaminsan yahay in Putin uu doonayo in uu joojiyo dagaalka balse aanu sheegi karin dhanka Ukraine in sidaas ay dooneyso.

“Waxaan rabaa inaan ogaado in Ukraine ay doonayso in ay xal keento, laakiin ma ogi inay doonayaan inay xal keenaan,” ayuu yiri Trump, markii la weydiiyay sababta uu u jaray gargaarka Kyiv.

Dublamaasiyadda tooska ah ee Trump iyo Putin ayaa ka yaabisay xulafada Nato, sababtoo ah reer Galbeedka ayaa iska fogeeyay xiriirkii ay la lahaayeen Moscow tan iyo bishii Febraayo 2022-kii markii Ruushku uu duullaanka ku qaaday Ukraine.

Mareykanka ayaa doonaya in Zelensky uu saxiixo heshiis iyaga siinaya saami weyn oo ku saabsan macdanta Ukraine, iyo in uu oggolaado in uu heshiis degdeg ah la galo Moscow.

Zelensky ayaa gadaal ka riixayay dammaanad qaad adag oo dhanka amaanka ah ee Kyiv ah , si loogu heshiiyo loo gaaro mid ah heshiiska. Isagoo hadlayay Jimcihii, Trump wuxuu sheegay in dammaanad-qaadka amni ee noocan oo kale ah laga hadli karo mar dambe ayna noqon doonto “qayb fudud”.

Dhanka kale, shirkadda tignoolajiyada hawada sare ee Maxar ayaa u sheegtay BBC Verify Jimcihii in Maraykanku uu si ku meel gaar ah u hakiyay helista Ukraine ee qaar ka mid ah sawirada tayada sare leh ee dayax gacmeedyada Maraykanka.

Sawirka dayax gacmeedku waa qalab muhiim ah inta lagu guda jiro dagaalka maadaama ay u ogolaato ciidamada inay ururiyaan xogta kuwa ay xafiiltamaan.

Maxar oo ah shirkad fadhigeedu yahay dalka Mareykanka ayaa qandaraasyo ku hesha bixinta sawirada dayax-gacmeedka ee dowlado iyo shirkado kala duwan.

Mid ka mid ah kuwaas waa barnaamijka Global Enhanced GEOINT Deliver (GEGD), kaas oo siinaya isticmaalayaasha marin u helka sawir tayo sare leh oo ay soo aruurisay dowladda Mareykanka.

“Dowladda Mareykanka waxay go’aansatay inay si ku-meel-gaar ah u hakiso xisaabaadka Ukraine ee GEGD,” Maxar ayaa u sheegtay BBC. “Macaamiil kastaa wuxuu gaaraa go’aankiisa sida ay u isticmaalaan iyo u wadaagaan xogtaas.”

Hay’adda Sirdoonka Qaranka oo qayb ka ah Waaxda Difaaca Mareykanka, ayaa xaqiijisay in joojintu ” ay waafaqsan tahay awaamiirta maamulka ee taageerada Ukraine”.

Related posts

“Madaxweyne Xasan Sheekh loogu ma booteynayo banaanka iyo in uu lahadlo DadkaLa-taliye Xuseen Sheekh

Abdiaziz Bnnstaff

“Boorama ayaan ka imid, Saylac baan ku dhashay Xamar-na Libaaxad baan ka ahay..” Xildhibaan Koos

Abdiaziz Bnnstaff

HARGAISA: Taageerayaasha WADANI Oo Wacdaro Dhigay DAAWO MUUQAAL DHAMAYSTIRAN

Mustafe haji