Borama News Network

Cudurka Daacuunka Oo Ka Dilaacay Dalka Sudan Iyo Ku Dhawaad 100 Qof Oo U Dhintay Xanuunkaasi

Dalka Suudaan oo xaalado adag ay ka jiraan waxaa dhibaato ka geystay cudurka Daacuunka oo galaaftay nolosha Dad gaaraya 95 qof sida ay ku warrameen xubno katirsan dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee xogtaan soo gudbiyay.

Gobolka Niilka Cad waa meesha uu sida daran u saameeyay cudurka Daacuunka, waxaa sidoo kale ka socda tallaalka looga hortagayo si uusan aafo ugu noqon nolosha dadka ka badqaba sida uu sheegtay sanduuqa taakulada carruurta ee UNICEF.

Sababta keentay Daacuunka waa isticmaalka biyaha aan wanaagsanayn ama nadiifka ahayn oo duruufo kala duwan oo heysta dartood ku qasban in ay cabaan, waxaa digniin laga muujiyay halista kusii fidi karta Dalkaas.

1dii Janaayo ilaa dhammaadkii Febaraayo ayaa la diiwaangeliyay kiisaskii ugu badnaa, waxaa dhinaca goobaha caafimaadka u jiifa ku dhowaan 2,000 oo ruux oo lasoo dhacay Cudurka Daacuunka sida warbixinnada lagu muujiyay.

Dagaalka ka socda Suudaan ee u dhaxeeya Dowladda Caalamka aqoonsan yahay ee Militariga ah iyo kooxda gurmadka degdega ah ee RSF waxaa ka dhashay dhibaatooyin kala duwan sida Barakac, Cudurro, Cunto la’aan iyo nidaamka oo meesha ka baxay.

Related posts

Hoggaamiyaha Xamas Oo Tacsi Ugu Tagay Sheekh Cabdirashiid cali Suufi

Abdiaziz Bnnstaff

Wararkii ugu dembeeyey ee xaaladda Lubnaan iyo tirada dhimashada oo gaadhay wax ka badan afar boqol

Abdiaziz Bnnstaff

In Ka Badan 130 Qof Oo Ku Dhintay Isbitaal Lqgu Dabiibayay Iyo Sababta Keentay Dhimashada Dadkaasi Oo La Shaaciyay

Abdiaziz Bnnstaff