Borama News Network

Ruushka oo xoojiyey weerarada oo uu ku hayo Ukriane ka dib dhowr tallaabo uu qaaday Maraykanku

Ugu yaraan 25 qof ayaa ku dhintay Ukraine weerarada ugu dambeeyay ee Ruushka, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Ukraine, iyadoo colaadda aysan muujinaynin calaamado fududaan ah.

Weerar ka dhacay Gobolka Donetsk ayey ku dhinteen ugu yaraan 11 qof, kuna dhaawacay 40 kale, oo ay ku jiraan lix carruur ah, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta deegaanka Sabtidii. Guryo iyo kaabayaal ayaa sidoo kale la weeraray gobollo kale oo ay ka mid yihiin Kharkiv iyo Odesa.

Weerarada Ruushka ayaa sii xoogeystay maalmihii la soo dhaafay, iyadoo Mareykanka uu joojiyay kaalmadii milateri iyo la wadaagistii xogtasirdoonka ee Kyiv. Waxay daba socotay isku dhacii Xafiiska Oval-ka ee todobaadkii hore dhex maray Madaxweyne Donald Trump iyo Volodymyr Zelensky ee Ukraine.

Ka dib weeraradii ugu dambeeyay ee Ruushka, ra’iisul wasaaraha Poland Donald Tusk wuxuu yiri: “Tani waa waxa dhaca marka qof raali galiyo kuwa xumaanta leh.”

“Bambaanooyin badan, dagaal badan, dhibanayaal badan,” ayuu intaa ku daray qoraal uu soo dhigay baraha bulshada.

Weeraradii ugu khasaaraha badnaa ayaa goor dambe oo Jimcihii ka dhacay magaalada Dobropilya ee gobolka Donetsk. Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay kadib markii laba gantaal oo ballistic ah ay ku dheceen siddeed dhismayaal oo la deggan yahay iyo xarun laga dukaameysto, sida ay saraakiishu sheegeen.

Ka dib markii ay kooxaha gurmadka degdega ahi yimaadeen, Ruushku waxa uu bilaabay duqaymo kale oo “si ula kac ah u bartilmaameedsanayey samatabbixiyeyaasha”, ayuu qoraal uu soo dhigay bartiisa Telegram ku yiri. “Weerarrada noocan oo kale ah waxay muujinayaan in hadafyada Ruushka aysan waxba iska bedelin,” ayuu intaa raaciyay.

Weeraro kale oo ka dhacay gobolka ayaa waxaa ku dhintay sagaal qof, waxaana ku dhaawacmay 13 Jimcihii iyo Sabtidii, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta deegaanka.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ayaa duqeeyay shirkad ku taalla magaalada Bohodukhiv ee gobolka Kharkiv, halkaas oo ay ku dileen saddex qof ayna ku dhaawacmeen toddobo subaxnimadii hore ee Sabtidii, sida uu sheegay madaxa gobolka Oleh Synyehubov.

Weerar kale oo diyaarad Drone ah ayaa Jimcihii ku dhacay kaabayaasha tamarta iyo rayidka ee Odesa, ayuu yiri madaxa gobolka. “Kani waa weerarkii toddobaad ee lagu qaado nidaamka tamarta gobolka saddex toddobaad gudahood,” ayay tiri shirkadda tamarta ee DTEK.

Dhanka kale Ukraine ayaa sii waday beegsiga Ruushka, kaas oo wasaaradiisa difaaca ay sheegtay in ciidamadoodu ay qabteen 31 diyaaradood oo dhanka Ukraine ah laga soo ganay habeen hore.

Jimcihii, Trump wuxuu sheegay inuu u arkayay “in ay aad ugu adag tahay, si daacad ah, in lala macaamilo Ukraine” marka loo eego Ruushka isku dayada uu ku nabadeynayo labada waddan.

Maraykanku “wuxuuwax fiican la qabanaya Ruushka”, “waxaa laga yaabaa inay ka sahlan tahay la macaamilka” Moscow marka loo eego Kyiv, ayuu u sheegay suxufiyiinta.

Saacado ka hor, Trump waxa uu sheegay in uu “si adag uga fiirsanayo” cunaqabatayn ballaaran iyo canshuuraha la saarayo Ruushka ilaa laga gaarayo xabbad joojinta Ukraine.

Marka laga soo tago joojinta caawinta militariga iyo sirdoonka, Mareykanku wuxuu hakiyay gelitaanka Ukraine ee qaar ka mid ah sawirada dayax-gacmeedka, shirkadda tignoolajiyada hawada sare ee Maxar ayaa sidaas sheegtay Jimcihii.

Tallaabadan ayaa timid hal usbuuc ka dib is-weydaarsiga hadalada kulul ee aan caadiga ahayn ee Aqalka Cad, kaasoo Trump ku dhaleeceeyay Zelensky inuu “ixtiraam darro” u hayo Mareykanka.

Dhawaaqa maamulka Trump ee ku wajahan Putin ayaa dad badan oo Yurub ah ku beertay walaac ah in qaaraddu aysan ku tiirsanaan karin taageerada Mareykanka ee amnigeeda.

Khamiistii hogaamiyayaasha Midowga Yurub ayaa ku kulmay Brussels si ay u ansixiyaan qorshayaasha lagu bixinayo kharash badan oo dhanka difaaca ah iyo cusbooneysiinta taageerada Midowga Yurub ee Ukraine.

Todobaadka soo socda ayaa lagu wadaa in ergayga gaarka ah ee Trump, Steve Witkoff, uu wadahadal kula yeesho wada-xaajoodyada Ukraine ee ku sugan Sacuudiga, si uu ugala hadlo suurtagalnimada xabbad-joojin uu la galo Ruushka.

Ruushka ayaa duulaan buuxa ku qaaday bishii Febraayo 2022, wuxuuna hadda gacanta ku hayaa 20% dhulka Ukraine.

Related posts

Sheekh Dirir Oo Ka Hadlay Dagaalka Ka Soo Cusboonadag Bariga Somaliland Baaqna Diray

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Itoobiya Oo Sheegtay In Ay Heshiis La Gashay Maamul Goboleedka Puntland Iyo Nuuca Uu Yahay Heshiiskaasi

Abdiaziz Bnnstaff

“Odayaashii doorshada isa saarka keenayow WADDANI baa haysta miisaaniyadii doorashooyinka”Gud.Xinif

Abdiaziz Bnnstaff