Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Shirka Ka Socda Dhuusamareeb Iyo Arrinta Gobolka Gedo Oo La Isku Mari La’ayahay

Magaalada Dhuusamareeb waxaa wali ka socda shirka madaxdaxwaynayaasha maamul goboleedyada , gobolka banaadir iyo madaxwayanaha dowladda fedaraalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo.

Wararka ayaa sheegaya in qodobada muranka ka taagnaa inta badan is-afgarad laga gaaray, balse wali la isku mari la’ayahay qodobka gobolka Gedo.
Madaxda ayaa xalay ilaa saqdii dhexe wadahadlayay arrinta gobolka Gedo ilaa hadda ma jirto natiijo la shaaciyay inay ka soo baxday.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland waxaa u dhexeeya arrimo sababay in khilaafka doorashada uu sii xoogeysto, waxaana ka mid ah arrinta gobolka Gedo.

Dabayaaqadii bishii aanu soo dhaafnay waxaa magaalada baledxaawo ee gobolka Gedo uu dagaal ku dhexmaray ciidamada dowladda Fedaraalka iyo kuwa maamulka Jubaland.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Kulan Ku Saabsan Doorashada Golaha Guurtida Oo Burco Lagu Qabtay

Mustafehaji

DRC Congo:- Nin Hal Mar Wada Guursaday Sadex Hablood Oo Mantaano Ah

Bnnstaff Bnnstaff

Midowga Murashaxiinta Mucaaridka Somaliya Oo Uu Khilaaf Ka Dhex Qarxay Iyo Waxa Uu Salka Ku Hayo Khilaafkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More