Wasiir Fiqi “Qorigii Weynaa Ee Galmudug Lagu Dhibaaten Jiray Iyo Raggii Watay Waan Qabanay”

Wasiirka Amniga Gudaha Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaalkii xalay dhexmaray Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo ururka Al-Shabaab ee ka dhacay duleedka Dhuusamareeb.

Wasiirka ayaa sheegay in weerarkaasi la fashaliyay waxaana uu xaqiijiyay in ay Ciidamadu gacanta ku hayaan, Qori hoobiye ah, gaari ay wateen kooxda weerarka soo qaadey, qoryo fudud oo ay kujiraan 2-BKM, nin dhaawac ah iyo 8-meyd ah oo ay ka carareen.

Waxaa uu kusoo bandhigay magaalada Dhuusamareeb Madaxii Qaybta qaraxyada Galgaduud u qaabilsanaa Alshabaab oo lagu magacaabo Xassan Cabdinuur daad “Careys”

Waxaa uu ugu baaqay xubnaha Al-Shabaab in ay isku soo dhibaan ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan degaanada maamulka Galmudug.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Abaabulka Mooshin Cusub Oo Ka Socda Magaalada Garoowe Iyo Nuuca Uu Yahay Muushinkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Booliska Maraykanka Oo Mar Kale Nin Udilay Qaabkii Ay U Dileen George Floyd

Bnnstaff Bnnstaff

Maraykanka Oo Qorshaynaya In Ciidanka Maraykanka Dib Loogu Soo Celiyo Dalka Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More