Axmed Madoobe Oo Sheegay In Uu Warbaahinta La Hadlayo Iyo Beesha Caalamka Oo Farogalisay

Madaxweynaha Mamaulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa la filayaa in saacadaha soo aaddan u warbaahinta kula hadlo Magaalada Dhuusamareeb.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Shirkii Dhuusamareeb la isku mari waayay, waxaana khilaafka ugu badani uu ka taagan yahay arrinta Gobolka Gedo, iyadoo Madaxweyne farmaajo iyo Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed madoobe dartood uu qarka u saaran yahay in shirka lagu kala tago, waxaana la siku fahmi la’ayahay arrinta Gobolka Gedo.

Axmed Madoobe ayaa goordhow warbaahinta uga warbixin doona marxalada uu shirku marayo iyo sababta illaa hadda xal looga gaari la’yahay arrinta gobolka Gedo taas oo sababtey in heshiis rasmi ah ka soo bixi waayo shirka wadatashiga arrimaha Doorashooyinka ee Dhuusamareeb.

Dhanka kale waxaa socda dadaallo ola doonayo in mar kale la isku soo laabto oo arrinta Gobolka xal laga gaaro, waxaana warar hoose ay sheegayaan in beesha Caalamku ay soo faragalin doonta khilaafka u dhexeeya labada mas’uul. Waxaana socda hadda qorshe la doonaya in lagu baaji shirka jaraa’id ee uu qabanayo Axmed madoobe, iyadoo Beesha caalamku ay hadda wadaan Qorshahaasi.

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

Hogaamiyaha Mucaaridka Dalka Ruushka Oo Xukun Xabsi Ah Lagu Riday

Bnnstaff Bnnstaff

“Waxaan Ka Xumahay Is Hor Taaga Lagu Hayo Xildhibaanada Doorashada Diyaarka u Ah” Xildhibaan Mahad

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Pakistan Oo Ballanqaaday Inay Qaadici Doonto Alaabaha Lagu Sameeyo Faransiiska

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More