Borama News Network

War ka soo kordhay weerarkii Al shabaab ee hoteelka Baladweyne

Wararka laga helayo magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya, in la soo af-jaray weerarkii hotelka Qaahira oo ku yaala galbeedka magaalada, sida ay ku warramayaan warbaahinta madaxa banana e Baldweyne.

Qaraxa ka dib ayaa waxaa gudaha u galay hoteelka dabley hubaysan, ayadoo la maqlayey rasaas xooggan oo ka dhacaysay gudaha hoteelkaas.

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas lagu qaaday Hotel Qaahira, halkaasoo ay shir ku lahaayeen odayaal dhaqameed ka tirsan beel halkaa degta oo sida ay dad goobjoogeyaal ah sheegeen ka arrinsanayey sidii ay qayb uga qaadan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda gobolka iyo gobollada u dhow.

Ilo xog-ogaal ah ayaa BBC u xaqiijiyey in dadka dhintay ay ku jireen seddex nabaddoon oo ka mid ah odayaashii halkaa ku shirayey, waxaana magacyadooda lagu sheegay Aadan Raaxo-jecel, Aadan Indhobuur, iyo Maxamed Cismaan (Ileynaa), halka nabadoon magaciisa lagu soo koobay Islow uu ka badbaaday, laakinse uu dhaawac soo gaaray.

Related posts

Madaxwayne Ismaciil Cumar Geele Oo Ficil Kaga Jawaabay Hanjabaadii Madaxwayne Muuse Biixi

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Somaliya Ku Dhawaaqday In Ay Iska Difaaci Doonto Itoobiya Hadii Ay Ku Adkaysato Fulinta Heshiiskii Ay La Gashay Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwaynaha Dalka Maraykana Oo Dafiray Jiritaanka Dal African Ah

Abdiaziz Bnnstaff