Borama News Network

Biyo la’aan ka jirta DDS oo saamayn taban ku reebtay ku dhowaad 2 Milyan oo ruux

55 degmo oo katirsan Dowlad-Deegaanka Soomaalida waxaa ka jirta xaalad biyo la’aan ah, waxa ay saamayn taban ku reebtay Dad gaaraya 1.9 Milyan oo ruux sida uu sheegay Wasiirka Xafiiska Maaraynta Khataraha Musiibooyinka DDS Axmed Yaasiin Sheekh Ibraahin.

Wasiir Axmed Yaasiin ayaa tilmaamay in guud ahaan Gobollada Deegaanka Soomaalida ay ka jirto abaar sidoo kale dhibaato ku beertay daaqa ay helayeen Xoolaha la dhaqdo una sii dheertay biyo la’aantaan oo xaalad kale abuurtay.

Wasiirka ayaa tilmaamay in marka xaaladdaan oo kale ay jirto in uu culeyska sii kordho maadaama dhul baaxad weyn ay si wadajir ah u saamaysay isla markaana aanay jirin meelo laga heli karo biyaha oo dadka aadi karaan.

Dowlad-Deegaanka Soomaalida dadka degen ayaa ka cabanaya abaar kusoo noqnoqotay deegaankooda iyaga oo waayay doorkii maamulka uu ku gacansiin lahaa si ay uga kabtaan xaaladaha adag ee ka taagaan deegaankooda.

 

 

Related posts

Faahfiino Ka Soo Baxaya Dad Ka Kacay Hoteel Ku Yaala Turkiga Oo Ay 10 Ku Dhinteen

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Somaliya Oo Shuruud Adag Ku Xidhay Wada Hadal Dowlada Itoobiya Kala Gasho Heshiiskii Somaliland Iyo Itoobiya Dhex Maray

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwaynaha Dalka Uganda Yuweri Museveni Oo Wiilkiisa U Magacaabay Taliyaha Guud Ee Ciidanka Dalkaasi

Abdiaziz Bnnstaff