Borama News Network

Maaddo ku jirta cabitaan Soomaalidu isticmaasho oo la sheegay inay kansar sababto

Maaddada macaan ee Aspartame oo laga helo cabitaanno kala duwan, cuntooyin iyo xanjoonka ama nacnaca ayaa si rasmi ah loogu daray waxayaabaha “kansarka ku sababa” aadmiga, sidaas waxaa ku doodaya warbixin caafimaad oo soo baxday.

Digniinta ayaa dadka wareer ku abuurtay maaddaama aysan caddeyn inta ay la egtahay halistu – in ay tahay mid yar ama halis weyn.

Waxayaabaha kale ee lagu daray kuwa “kansarka sababa” waxaa ka mid ah, dacarta, shidaalka diesel-ka iyo nooca khudaarta dadka Aasiya ugu keydiyaan daasadaha

Maaddada Aspartame waxay 200 oo jeer ka macaan tahay sonkorta, sidaas darteed kalooriyad la’aan ayey bixisaa dhadhanka macaanka.

Waxaad ka heli kartaa liiska maaddooyinka cuntooyin badan ama cuntooyinka aan sonkorta lahayn oo ay ku jiraan cabitaannada ay isticmaalaan dadka cayilka ka baqaya, xanjada iyo qaar ka mid ah caanaha la fariisiyey ee yoghurt.

Cabitaannada caanka ah ee ay ku jirto aspartame waxaa ka mid ah cabitaanka shirkadda kooka koolla ee loo yaqaan Diet Coke, Coke Zero, Pepsi Max, iyo 7 Up Free, laakiin macaaneeyahan ayaa ku jira ilaa 6,000 oo cuntooyin kala duwan ah.

Maaddadan waxaa la isticmaalayey tobannaan sano waxaana ansixiyay hay’adaha badbaadada cunnada, laakiin waxaa jiray muran badan oo ku xeernaa.

IARC, oo ah garabka cilmi-baarista kansarka ee Ururka Caafimaadka Adduunka, ayaa dib u eegis ku sameyneysay ilaa 1,300 oo daraasadood, kuwaas oo ku saabsan xiriirka ka dhexeeya aspartame iyo kansarka.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in ay la hadashay ilo ku dhow hawlahan ay ururku wadaan, aspartame-na waxaa lagu suntay “Walxaha kansarka sababa” – laakiin waa maxay sumadani dhab ahaantii?

BBC-du waxay fahamsan tahay in ogeysiisyada rasmiga ah ay samayn doonaan IARC iyo guddi khubaro gaar ah oo u xilsaaran maadooyinka cuntada – oo ay weheliso daabacaadda joornaalka caafimaadka ee Lancet Oncology 14ka bishan Luulyo 2023.

IARC waxay isticmaali doonta afar qeexitaan oo kala duwan:

Qabyta 1 – Kansar ku sababa aadmiga

Qaybta 2A – u badan in ay kansar ku sababaan aadmiga

Qaybta 2B – Suurta gal ah in ay kansar ku sababaan aadmiga

Qaybta 3 – aan la qeexin Weli

Hase yeeshee halkan ayuu ka jiraa wareerka ugu badan.

“Kala soocidda IARC waxba noogama sheegi doonto heerka dhabta ah ee khatarta ka imanaysa aspartame, sababtoo ah taasi maaha waxa kalasoocidda IARC ay ka dhigan tahay” ayuu yiri Kevin McConway, barfasoore ku takhasusay tirakoobka ee Jaamacadda Open.

Related posts

Reer Galilay Oo Si Heer Sare Ah U Soo Dhawaysay Murashax Ciro Iyo Ku Xigeenkiisa Iyo Qudabadii Ay U Jeediyeen Dadkii Soo Dhaweeyay

Abdiaziz Bnnstaff

Komishanka Doorashooyinka oo Bulshada u Gudbiyay Xarun Ay Kala Xidhiidhaan

Abdiaziz Bnnstaff

In ka badan 50 qof ayaa kuleyl ugu dhintay Hindiya saddex maalmood gudahood

Abdiaziz Bnnstaff