Borama News Network

Soomaaliya oo kahor timid Damaca Maraykanka ee la xiriira in uu usoo Barakiciyo Shacabka Gaza

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad uga hor timid damaca Maraykanka iyo Israa’iil ay is tusiyeen ee ah in si qasab ah loo barakiciyo Shacabka Magaalada Gaza si loo geeyo Dalal ay ku jirto Liiska labadaas waddan saraakiil katirsan ay shaaciyeen.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in marnaba aanay la aqbali karin in iskaba dhaafee in ay qaabilaan Dadka Falastiin ee awoodda lagu barakicinayo in ay Soomaaliya diidan tahay in lagu xadgudbo iyaga oo dhulkooda jooga.

“Soomaaliya marnaba ma aqbali doonto qorshaha Shacabka Falastiin Dhulkooda lagu barakicinayo, mowqifka Soomaaliya waa Dowlad Falastiin leedahay oo u adeegta Dadkeeda.” Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS

Shirkii dhowaan degdega ahaa ee Dalalka Carabta ay ka yeesheen Xaaladda Bariga dhexe gaar ahaan damaca Donald Trump ee ka dhanka ah Shacabka Magaalada Gaza ayaa meel fog oo adag laga istaagay isku daygaas Madaxweynaha Maraykanka uu shaaciyay.

Soomaaliya ayaa kamid ahayd Dalalka sida cad u diidan in la dhibaateeyo, la barakiciyo ama la duqeeyo Shacabka Falastiin, Shirar kala duwan oo ay ka qaybgashay ayay sidaas ku sheegtay waxaana ugu dambeeyay kulankii ka dhacay Magaalada Qaahira ee Masar.

Related posts

Masiibo ka dhacdey Hargaysa oo sababtey Geerida Hooyo iyo Caruur ay dhashay

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Axmed Madoobe oo Afmadow u tagay Dardargelinta Dagaalka ka dhanka ah ‘AS’.

Abdiaziz Bnnstaff

Duqa Magaalada Muqdisho Oo Ciidanka Amaanka Ugu Baaqay In Ay Talaabo Adag Ka Qaadaan Ganacsato Isku Sheega

Abdiaziz Bnnstaff