Borama News Network

Dayax-madoobaad sanado kadib lagu arkay dalalka Carabta iyo Afrika

Cirbixiyeennada adduunka ayaa shalay subax ku waabariistay dayax-madoobaad laga arki karay qeybo ka mid ah adduunka, oo ay ku jiraan Galbeedka Afrika, oo dalal Carbeed ay ka mid yihiin.

Dayax-madoobaadka, oo markii ugu horreysay sanadkan la arkay, ayaa si buuxda looga dareemay Waqooyiga iyo Koofurta Ameerika, balse lagama arkin Aasiya iyo Bariga Afrika.

Markii hore waxaa laga arkay Galbeedka Afrika, oo ay ku jiraan Mauritania, Morocco, Algeria, Tunisia, iyo galbeedka Libya, sida ay sheegtay Xarunta Caalamiga ah ee Cirbixiyeenka.

Arrintan ayaa dhacday markii ugu horreysay tan iyo bishii May 2022, markaas oo midabka dayaxu isku beddelay casaan tiq ah.

Dayaxa ayaa midabkan casaanka ka hela fallaaraha cadceedda oo soo gaara dayaxa marka dayax-madoobaad dhaco, wuxuuna usii gudbiyaa dhulka.

Related posts

Ciraaq oo balanqaaday in ay Soomaaliya ku biirin doonto khibradeeda la dagaalanka Argagaxisada

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxweynaha Xasan Sheekh” Cid Awood Uleh In Cad Ka Mid Ah Dalka Soomaaliyeed Ay Bixiso Ma Jirto,

Abdiaziz Bnnstaff

Amb.Salaad Cali Jeelle” Abiy Axmed Hadduu Baddeena Soo Damcay Anaguna Harar Ayaanu Aadeynaa”

Abdiaziz Bnnstaff