Mareykanka oo Xuutiyiinta ka Saaraya Liiska Argagixisada Ee Trump Ku Daray

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay qorsheyneyso sidii ay liiska argagixisada uga saari laheyd Dhaq-dhaqaaqa Xuutiyiinta Yemen oo liiskaasi uu ku daray madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, maalmo yar ka hor inta uusan xafiiska ka tagin bishii hore.

Go’aankaasi ayaa waxaa Jimcihii shalay ku dhawaaqay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, waxayna ku soo aadeysaa maalin ka dib markii uu madaxweyne Joe Biden shaaciyay in Mareykanka uu soo gabagabeeyay taageerada uu siin jiray Isbaheysiga Carbeed ee uu Sacuudiga hogaamiyo ee dagaalka ka wada dalka Yemen.
War ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in sababta liiska argagixisada looga tirayo Xuutiyiinta ay tahay sababo dhanka bani’aadannimada ah.

Qaramada Midoobay iyo Hey’adaha Gargaarka ee caalamiga ah ayaa bishii hore ka digay in go’aankii Trump uu Xuutiyiinta ugu daray Liiska Argagixisada Caalamiga ah ay sii murjineyso xaaladda bani’aadannimo ee hadda ka taagan Yemen.

Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaantay xaaladda bani’aadannimo ee ka taagan Yemen masiibo bani’aadannimo tan ugu xun xilligaan. 80% dadka reer Yemen ayaa u baahan gargaar deg deg ah.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Hogaamiyaha Ururka Xusbilaah Oo Hanjabaad Culus U Diray Maraykanka Iyo Isreal

Bnnstaff Bnnstaff

Magaalada Borama Oo Maanta Si Rasmi Ah Looga Bilaabay Qorsha Mastar Plan-ka Iyo Masuuliyiin Ka Hadlay

Bnnstaff Bnnstaff

Dowladda Soomaaliya Oo Shaacisay Cidda Bixineysa Dhaqaalaha Doorashada Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More