Qaramada Midoobay Oo War Ka Soo Saartay Doorashooyinka Somaliland Ee Loo Mudeeyay Bisha Shanaad

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan ayaa faah faahin ka bixiyay kulamo looga hadlayay Arrimaha doorashooyinka Somaliland oo uu la qaatay Madaxweyne Muuse Biixi, Urrurada Bulshada rayidka & Gudiga doorashooyinka.

Amb, James Swan waxaa uu sheegay in dhamaan mas’uuliyiinta Somaliland uu kala hadlay shaqada Qaramada Midoobay ee Somaliland, sidii ay gacan uga geysan lahayeen wax ka qabashada arrimaha la taaban karo ee khuseeya dadka reer Somaliland.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Guddiga doorashooyinka Somaliland uu kala hadlay sidii waqtiga loo iclaamiyay doorashooyinka isku sidkan ee Golaha Wakiilada & degaanka Somaliland ugu dhici lahaayeen, isla markaana ay rajo wanaagsan ka qabaan.

“Dhammaan Wadaagayaasha Somaliland, waxay rejaynayaan doorashooyinkaasi. Inay si wanaagsan u dhacaan, anagana rejaynaynaa in shaqada Guddiga doorashada fududaynayaan ay noqoto doorasho guulaysta dhammaadka bisha May ayuu yiri ” Danjire James Swan.

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan ayaa dhawaan degaannada Soomaliland u tegay xalka gaarista khilaaf Shaqo oo Smaliland & Qaramada Midoobay soo kala dhex-galay, kaas oo ugu dambeyn la xaliyay.

Xafiiska Wararka boramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Deg Deg:- Natiijada Doorashada Dalka Uganda Oo Lagu Dhawaaqay Iyo Cida Guulaysatay

Bnnstaff Bnnstaff

Siyaasi Sheegay In Xisbiga Kulmiye Uu Cagta Saaray Wadadii Udub Ee Burburka.

Bnnstaff Bnnstaff

Joe Biden Oo Dib u Eegis Ku Sameynaya Ciidanka Mareykanka Ee Laga Saaray Soomaaliya.

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More