Masaajid Lagu Burburiyey Gudaha Kenya Iyo Xildhibaan Si Kulul Uga Hadlay

Waxaa la burburiyay mid kamid ah masaajidda ugu waaweyn Kenya kaas oo ku yaalla deegaanka Kiboi oo dhaca gobolka Kisumu ee galbeedka Kenya, sida ay ku warrameen qaar kamid ah warbaahinta Kenya.

Waaxda tareenada ee Kenya ayaa qaaddy howlgal ay ku burburineyso guryo iyo dhismooyin ku yaalla halkaas oo ay sheegtay in si sharci darro ah ay dadka ku degnaayeen dhulkaas .

Dadka deegaanka ayaa dhaleeceeyay tallaabada lagu burburiyay guryaha iyo masaajidka. Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo laga soo doorto bartamaha Gaarisa ayaa cambaareeyay tallaabada lagu burburiyay masaajidka kuna tilmaamay mid khalad ah oo kasoo horjeedo diinta Islaamka.

Wuxuu intaas ku daray in masaajidka la dhisay sanadkii 1938-dii oo ay saddexdii subaxnimo burburiyeen waaxda tareenada ee Kenya.

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

 

Related posts

Xukuumada Muuse Biixi Oo Shaacisay In Hoos U Dhac Ku Yimid Dhaqaalaha Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

Toogasho Ka Dhacday Dalka Maraykanka Oo Ka Dhacday Iyo Tirada Dadka Ku Dhintay Toogashadaasi Oo La Shaaciyay

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Turkiga Oo Shaacisay In Ay Qaadayso Xayiraadaha Cudurka Covid 19

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More