Borama News Network

Rag Ka Tirsan Al-Shabaab Oo Galay Tuulo Ku Taalla Kenya Khudbadna Ka Jeediyay

Ciidamada ammaanka Kenya ayaa bilaabay howlgal ballaaran kadib markii ugu yaraan 100 dagaal-yahannada al-Shabaab ay galeen aafad ku taalla magaalo-xeebeedka Lamu ayna wacdi u qabteen dadka deegaanka.

Madaxa Lamu Wesley Koech ayaa warbaahinta gudaha ee Nation u sheegay in kooxdu ay gashay xaafadda Mangai xilli dambe Sabtidii.

Ragga tuulada soo galay ayaa isu keenay inta badan dadka deegaanka ee Muslimiinta ah, wacdi u qabtay una qeybiyay timir, sida ay baahisay warbaahinta Daily Nation.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa Nation u sheegay in kooxdu ay u jeedisay wacdi ku saabsan Islaamka.
Wax dhibaato ah kooxdu uma aysan geysan dadka deegaanka.

Koech ayaa ku boorriyay dadka in warbixinta kooxda ay la wadaagaan laamaha ammaanka, isagoo intaa ku daray inaysan jirin wax walaac abuuri kara.

Deegaanka Lamu oo dhaca Badweynta Hindiya, qiyaastiina 240km waqooyi-bari kaga beegan magaalada Mombasa, ayaa ah meel dalxiis oo ay inta badan ajaanibtu u dalxiis tagaan
Kadib dhacadadaas, ciidamo dheeraad ah ayaa shalay subax la geeyay deegaanka Mangai iyo tuulooyinka ku hareereysan.

Koech ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay heegan dheeraad ah ku jireen tan iyo intii ay bilatay bisha barakeysan ee Ramadaan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in xilliga afurka ee Sabtidii ay arkeen rag gaaraya 10 oo ku hubeysnaa qoriga AK47, kuwaas oo soo galaya tuulada.

Xaafadda Mangai ayaa ku taalla keymaha Boni, halkaas oo ciidamada Kenya ay ku sugnaayeen tan iyo sanadkii 2020, markaas oo ay bilaabeen howlgal ka dhan ah al-Shabaab.

Kooxda ayaa dhowr jeer weerar ka fulisay gudaha Kenya, gaar ahaanna deegaannada teedsan xadka Soomaaliya.

Related posts

Maxkamadda Cadaaladda oo Diiday Codsigii Koonfur Afrika Ee ku Aadanaa Waxa Ay Ugu Yeedhay Xasuuqa Qasa.

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Oo Diiday In Ay Dhexdhexaadin Ilaa Inta Ay Itoobiya Ka Noqonayso Heshiiskii Ay Somaliland La Gashay

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Jabuuti Oo Ku Soo Biirtay Loolanka Ay Dalalka Bariga Africa Ugu Jiraan Hogaanka Golaha Midowga Africa

Abdiaziz Bnnstaff