Borama News Network

ah,Degdeg:Tirada Falastiiniyiinta lagu dilay Qasa oo korortay

Tirada dadka ku dhintay duqeymihii cuslaa ee ay xalay Israa’iil ka geysatay Qasa ayaa korortay.

Ugu yaraan 330 qof ayaa haatan lagu soo warramayaa inay ku dhinteen duqeymahas, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Qasa ee ay maamusho Xamaas.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay inay fuliyeen “weerarro xooggan” kadib markii lagu guul dareystay heshiis xabad joojineed oo la gaaro.

Weerarkan waxaa uu noqonayaa mowjaddii ugu weyneyd ee weear tan iyo 19-kii January, iligaas oo uu dhaqan galay heshiiskii xabad joojinta ee u dhaxeeyay labada dhinac

Kooxda Xamaas ayaa ku eedaysay ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, inuu burburiyay heshiiskii xabbad joojinta Qasa.

Waxa ay sheegtay in duqeymaha ay Israa’iil xalay ka fulisay Qasa ay su’aal gelineyso mustaqbalka dadka lahaystayaasha Israa’iil ee gacanta ugu jira Xamaas.

Wasaaradda caafimaadka ee Qasa ayaa sheegtay in ugu yaraan 220 Falastiiniyiin ah lagu dilay duqeymo xooggan oo ay Israa’iil ka geysatay Qasa.

Sarkaal Israa’iili ah ayaa BBC-da u sheegay, in weerarku uu sii socon doono inta loo baahan yahay, oo aanu ku ekaan doonin oo kaliya duqaymaha cirka.

Related posts

Dowladaha Turkiga Iyo Falastiin Oo Wada Galay Heshiis Dhanka Amniga Ah

Abdiaziz Bnnstaff

Waraysi Xiiso Badan Oo Laga Qaaday Haweenayda Ugu Darajada Saraysa Haweenka Ee Booliska Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

Amxaarada Itoobiya Oo Lagu Soo Eedeeyay In Ay Laayeen Dad Qoxooti Ah Oo Ka Soo Jeeda Dalka Sudan

Abdiaziz Bnnstaff