Borama News Network

Waa kuma Afhayeenka guud ee Midowga Afrika Ee Loo Magacaabay Xilka Afhayeenimo Ee Midawga Africa?

Guddoomiyaha Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf ayaa magacaabay Afhayeenka guud isaga oo u magacaabay xilkaas Nuur Maxamed oo ah khabiir xilal kala duwan soo qabtay lana soo shaqeeyay Urur Goboleedka IGAD & Qaramada Midoobay.

Maxamuud Cali Yuusuf ayaa Nuur Maxamed u xushay in uu yahay shaqsi ku habboon ilaalinta xogta Ururka Midowga Afrika gaar ahaan Xafiiskiisa, waxyaabaha kale uu u doortay waxaa kale oo kamid ah u dulqaadashada duruufaha kahor imaan kara.
Nuur Maxamed waa khabiir arrimaha Bani aadamnimada ku dhex jiray sanado badan, waxaa kale oo intaas usii dheer waaya-aragnimo Siyaasadeed uu kasoo dhaxlay xafiisyo kala duwan oo Qaramada Midoobay uu kasoo shaqeeyay.

Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa 15kii Febaraayo 2025 markii la doortay waxa uu ballanqaaday in uu ka shaqeyn doonno horumarinta Qaaraddaan oo meelo kala duwan ka jiraan colaado saameyn taban ku reebay Malaayiin ruux oo rayid ah.

Related posts

Madaxweynuhu Uu Ku Saxsan Yahay Xeerka Inuu Soo Celiyo Xeerka Xisbiyada Mucaaridkana Waxaan Lee Yahay Hada.. Riyo Raac

Abdiaziz Bnnstaff

Ciraaq oo balanqaaday in ay Soomaaliya ku biirin doonto khibradeeda la dagaalanka Argagaxisada

Abdiaziz Bnnstaff

“Maxamed Abiib Waa La Afduubay, Waana In Xoriyadiisa Loo Soo Celiyaa.” Xildhibaan Axmed Khaliif .

Abdiaziz Bnnstaff