Madaxda Maamul Goboleedyada Somaliya Iyo Kulan Yeeshay Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada dalka oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb iyo Wakiilada Beesha Caalamka ee C6+ ayaa xalay qadka Internet-ka gaar ahaan aalada ZOOM-ka kulan ku yeeshay.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in kulanka looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, doorashada dhaceysa iyo marxalada kala guurka ee la galay, kadib markii uu dhammaaday muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo.

Madaxda maamulada Hirshabeelle, Jubbaland, Puntland iyo Galmudug iyo Wakiilada Beesha Caalamka ayaa sigaar ah uga wada hadlay sida lagu xalin karo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada oo lagu heshiin waayay.
Kulanka ayaa waxaa ka maqnaa Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo gelinkii dambe ee shalay ku laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya inuu jiro qorshe maalmaha soo socda la isugu keenayo Muqdisho Madaxda dowlad Goboleedyada, si shir ay garwadeen ka tahay Beesha Caalamka loogu qabto Dowlad Federaalka iyo Dowad Goboleedyada, si dalka looga saaro xilliga kala guurka.

Saacadaha soo socda ee Maanta ayaa la filayaa Beesha Caalamka ay War-saxaafadeed kasoo saaran xaaladda dalka iyo arrimaha doorashooyinka, xili xalay uu dhammaaday muddo xileedka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Villa Somalia Oo Baadigoobaysa Wado Ay Uga Baxdo Xasarada Biyaha Wabiga Niilka

Bnnstaff Bnnstaff

AKHRISO: Kalfadhiga Baarlamnanka 11-aad Oo Furmay Iyo Qodobada Looga Hadlaayo

Bnnstaff Bnnstaff

“Culimada Somaliyeed Dal Walba Waa Dalkooda” Maayirka Hargeysa

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More