Muxuu Yahay Ajendaha Kulanka Maanta Ee Xildhibaanada Golaha Shacabku?

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee waqtigoodu dhammaaday ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa lagu wadaa in kulan gaar ah ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay Akhinta 3-aad ee wax kabadelka sharciga waxbarashada heerka 1aad, 2aad iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Warbixin ku aadan wax qabadka 100 maalmood ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa xalay waxaa loo diray farrimo ku aadan in Maanta uu kulan jiro, hayeeshee laguma xusin farrinta in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble uu Maanta hortegayo Xildhibaanada.
Madaxweynaha muddo xilkeedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalin kahor hortegay Xildhibaanada Golaha Shacabka, isagoona jeediyay khudbad uu uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashada dalka dhacaya.

Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa la filayaa in saacadaha soo socda uu si rasmi ah uga furmo Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, waxaana halkaas kusii qul-qulaya Xildhibaanada.

Si kastaba kulankan Maanta ee Xildhibaanada ayaa kusoo aadaya, iyadoo xalay uu dhammaaday muddo xileedkii dastuuriga ahaa ee Madaxweyne Farmaajo, iyadoona la doortay maanta oo kale 8-dii beshii Febraayo ee sanadkii 2017.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxwayne Ku Xigeenka Maraykanka Oo Noqtay Haweenaydii Ugu Horeysay Ee Mudo Kooban Qabatay Talada Ugu Saraysa Maraykanka

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwaynuhu Waxa Uu Egyahay Madaxwayne Local Ah ” Xisbiga Wadani

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Kenya Oo Qabtay 6 Haween Oo Somali Ah Oo Watay Lacag Ku Dhaw 1 Milyan Oo Dolar

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More