Kulankii Golaha Shacabka Ee Maanta Oo Furmay Iyo Raysal Wasaare Rooble Oo Ka Baaqday

Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ayaa Goordhow waxaa ka furmay kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee waqtigoodu dhammaaday.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay Akhinta 3-aad ee wax kabadelka sharciga waxbarashada heerka 1aad, 2aad iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Warbixin ku aadan wax qabadka 100 maalmood ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Inta badan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ku sugan Xarunta Villa Hargeysa, waxaana kulanka shir Guddoominaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo ku-xigeenadiisa.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu waday inuu Maanta hortego Xildhibaanada Golaha Shacabka, si uu ugu jeedo khudbad uu uga hadli doono waxqabadka 100 maalmood ee Xukuumadda, hayeeshee waxaa uu baaqday.

Si kastaba kulankan Maanta ee Xildhibaanada ayaa kusoo aadaya, iyadoo xalay uu dhammaaday muddo xileedkii dastuuriga ahaa ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoona la doortay maanta oo kale 8-dii beshii Febraayo ee sanadkii 2017.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramNews.com

Related posts

Madaxwayne Biixi oo Dib ugu Soo Laabtay Magaaladda Hargaysa

Bnnstaff Bnnstaff

Haweenay Somali Ah Oo Ka Tirsan Baarlamaanka Kenya Laga Saaray Baarlamaanka Ka Dib Markii Ay Nacnac Qaybisay

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Deni Oo Si Adag Uga Hadlay Weerarkii Ay Alshabaab Ku Qaaday Xabsiga Boosaaso

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More