Borama News Network

MW JFS Xasan Sheekh “Guddoomiye Maxamuud waxa ay Soomaaliya kuu ballanqaadeysaa in ay kaala shaqeyso mas’uuliyadda ballaaran ee heer qaaradeed ah”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyaha Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf u ballanqaaday in Soomaaliya ay ku garab taagan tahay gudashada waajibka saaaran.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Soomaaliya iyo Jabuuti ay isku milan yihiin Siyaasad ahaan iyo qadiyaad ahaan sidaas awgeed ay ula shaqeynayaan sidii Soomaaliya oo ku guuleysatay kursigaan oo kale.
Waxa uu rajeeyay in uu ka gudbo xaaladaha adag iyo duruufaha ka jira qaaradda muddo xileedkiisa inta lagu guda jiro, waxaana uu ka rajeeyay in uu kaashado khibraddiisa siyaasadeed uu ka dhaxlay muddada dheer uu ku jiro siyaasadda.

“Guddoomiye Maxamuud Cali Yuusuf waxa ay Soomaaliya kuu ballanqaadeysaa in ay kaala shaqeyso mas’uuliyadda ballaaran ee heer qaaradeed ah, Nin Soomaaliya yaqaan oo duruufaheedana fahmaya oo xannuunka Soomaaliya dhiniciisa kasoo qabtay ayaa guddoominaya Midowga Afrika waana kaba sii fiican” MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud

Soomaaliya ayaa door firfircoon ka qaadatay guusha Guddoomiye Maxamuud Cali Yuusuf oo ka adkaatay Musharriixii ka socday Dalka Kenya waa Raila Odinga maadaama sanadkaan guddoonka midowga Afrika uu u gaar ahaa Bariga Afrika.

Related posts

Weeraro Badan Oo Dibada Ah Ayaa Dalka Ku Socda ” Wasiir Cali Mareexaan

Abdiaziz Bnnstaff

Shir Cawa Beesha Habarjeclo uga Socday Magaalada Burco Oo Ciidamo Awood Ku Joojiyeen

Mustafe haji

Taliyaha Ciidanka XDS “Cadawga Waxba Naga Ma Qaadayaan Ciidamada Badda ha u Diyaar Garoobaano .”

Abdiaziz Bnnstaff