Borama News Network

Ururka Xamaas Oo Mar Kale Laga Dilay Sargaal Sare Oo Dhaawac Ahaa

Warbaahinta Falastiin ayaa ku soo warramaysa in ugu yaraan shan qof lagu dilay duqeymo ay diyaaradaha Israa’iil ka geysteen meel u dhow magaalada Khan Younis ee koonfurta magaalada Qasa.

Wararka ayaa sheegaya, in weerarradan ay ka dhaceen meel ku dhow laba iskuul oo ay maamusho hay’adda Qaramada Midoobay.

Duqeymahan ayaa imaanaya iyadoo ciidamada Israa’iil ay ballaariyeen duullaanka, iyadoo kumanaan askari oo dheeraad ah ay isku diyaarinayaan in loo daabulo marinka Qasa.

Gantaallada Israa’iil ayaa Axadi lagu garaacay xarunta ugu weyne ee caafimaadka ee ku taala magaalada Khan Younis, kaas oo uu ku dhintay sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Xamaas.

Ismaaciil Barhoum, madaxa dhaqaalaha kooxda, ayaa lagu dabiibayay isbitaalka, ka dib dhaawacyo afar maalmood ka hor ka soo gaaray duqeynta Israa’iil.

Mid ka mid ah ku xiigeenadiisa ayaa sidoo kale dhintay, iyo sidoo kale saddex kale oo ku jiray qaybta qalliinka ee isbitaalka.

Israa’iil waxay sheegtay inay bartilmaameedsatay xubin muhiim ah u ah kooxda Xamaas.

Related posts

Farmaajo iyo Sheekh Shariif oo war kasoo saaray dhexdhexaadin ay u wadeen Deni iyo Xasan Sheekh

Abdiaziz Bnnstaff

Waxaan Dhamaan Umada Muslimiinta Waxaan Leeyahay Farxad Ku Ciida” Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Xirsi Xaaji

Abdiaziz Bnnstaff

Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliya Oo Sheegay In Ayna Siiwadaynin Tartanka Maamul Goboleedyada

Abdiaziz Bnnstaff