Qaramada Midoobay Oo War Ka Soo Saartay Ansixinta Raysal Wasaaraha Cusub Ee Somaliya

War qoraal ah oo lagu daabacay bogga xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu caddeeyay in Qaramada Midoobay ay soo dhaweymeyso, isla markaana ay hambalyo u dirayso Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo maanta codka kalsoonida ka helay Xildhibaannada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.
“Bahda Qarmada Midoobay ayaa hambalyo diiran u diraysa Maxamed Xuseen Rooble oo si rasmi ah u xaqiijiyay inuu yahay Ra’iiusl Wasaaraha Soomaaliya, waxayna u rajaynayaan guul xilli uu bilaabayo doorkiisa hoggaamineed ee muhiimka ah waqtigan xasaasiga u ah Soomaaliya, waxayna Qaramada Midoobay ballan qaaddaysaa inay garab istaagayso, iskaashina la samaynayso Ra’iisul Wasaaraha cusub” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Taliska Booliska Somaliya Oo Soo Bandhigay Hub Iyo Koox Budhcad Ah Oo Dadka Dhici Jiray

Bnnstaff Bnnstaff

Deg Deg:- Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ayaa Ku Dhawaaqaya Cida Bari Shirgudoominaysa Kulanka Golaha Wakiilada ” Gudoomiye Baashe

Bnnstaff Bnnstaff

Shacabka Magaalada Hargaysa Oo Ku Gacan Saydhay Marashaxnimada Maayirka Hargeysa

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More