Borama News Network

Booliiska Kenya oo faah-faahin ka bixiyay weerar ‘AS’ ku qaadday Magaalada Gaarisa

War kasoo baxay Booliiska Kenya ayaa lagu sheegay in xubno katirsan ‘AS’ ay weerareen Xero ku taalla Deegaanka Faafi ee Magaalada Gaarisa, waxaa ku dhintay 6 askari oo katirsan ciidamda Kaydka ee Booliiska sida lagu xaqiijiyay bayaanka.

Booliiska Kenya ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan maydadka labo kamid ah raggii katirsanaa ‘AS’ ee weerarkaas fuliyay, waxaa baaris ku haya waaxda dambiyada Booliiska si ay u ogaadaan deegaanka ay kasoo jeedaan.

Wargeyska The Star ayaa sheegay in xubnaha katirsan ‘AS’ ay baxsadeen qaarkood iyaga dhaawac ah, waxa ay afduubteen dad ku sugan deegaanka faafi ee Ismaamulka Gaarisa oo weerarkaas uu ka dhacay.

Afhayeenka Adeegga Booliiska Qaranka Michael Muchiri ayaa sheegay in ay xoojiyaan dedaallada lagu sugayo amniga isla markaana looga hortagayo weerarro cusub oo ‘AS’ Fulisa, waxa uu xusay in ciidamo dheeraad ah la geeyay Deegaanka Faafi.

Related posts

Golaha Wasiirada Oo Maanta Ansixiyay Hishiis Dhawaan Ay Xakuumadda Lasoo Gashay Dowladda Kenya

Abdiaziz Bnnstaff

Soomaalidu Ma Marka Cudurku Soo Rito Ee Ay Dhan U Dhacaan Ayuun Bay Is Baadhaan ?

Abdiaziz Bnnstaff

Buuq Iyo Sawaxan Xoogan Oo Hadheeyay Fadhigii Golaha Wakiilada Somaliland Ee Maanta Iyo Siday Wax U Dheceen

Abdiaziz Bnnstaff