Qareenada Madaxwaynihii Hore Ee Maraykanka Oo Beeniyay In Uu Dhiirigaliyay Weerarkii Aqalka Congreska

Qareenada u doodaya madaxwayne hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa ka jawaabay eedeymihii loo soo jeediyay ee xil ka qaadistiisa ay horey ugu sameeyeen aqalka wakiilada.

Qareenada ayaa waxay sheegen in taageerayaashiisa 6 bishii January weeraray xarunta Congreska ay ahaayeen kuwa si iskood ah u sameeyay falkaasi oo uusan madaxwaynaha amrin.

Qaaadida dacwadaha loo haysto Mr Trump ayaa lagu wadaa in ay maanta ka bilaabmaan aqalka sanetka ka dib markii ay aqalka wakiilada ay markii labaad xil ka qaadis ku sameeyeen bishii aanu soo dhaafnay.

Waxaa ka mid ah waxyaabaha lagu eedeeyay in uu sameeyay “kicin dadwayne” ka dib khudbad uu u jeediyay taageerayaashiisa ka hor dibadbaxa
ay ku galeen aqalka congreska.
Mr Trump ayaa sheegay in uusan ka hor marqaati furi doonin aqalka sanetka hortiisa.

5 qof oo uu ka mid ahaa askari ka tirsan booliiska ayaa ku dhintay ka dib markii taageerayaasha Trump ay u dhaceen dhismaha Congreska ee Capitol, halkaasi oo siyaasiyiinta ay ku qasbanaadeen inay gabaad raadsadaan.

Mr Trump ayaa noqday madaxwaynihii ugu horeeyay traaiikhda Mareykanka oo labo mar xil ka qaadis lagu sameeyo.

Trump ayaa isaga horey u diiday in doorashadii dalkaasi ka dhacday looga adkaaday, balse markii dambe xilka wareejiyay.

Madaxwayne hore ee Mareykanka Trump ayaa intii uu xilka hayay waxaa la sheegay in ay sare u kaceen falalka cunsuyadda.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Itoobiya Iyo Imaaraatka: Miyey ka wada hadli hadleen Dagaalka dekedaha Soomaaliya iyo saameynta.

Bnnstaff Bnnstaff

Xisbiga Wadani Oo Xukuumada Muuse Biixi Baaq Adag U Diray Iyo Ujeedada Baaqaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Sheekh Xasan khyre Oo Qudbadii Jimcaha Kaga Hadlay Guurka Baaqyo Kala Duwana Diray

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More