Ciidamada Maamulka Puntland Oo Fuliyay Hawlgalo Dad Lagu Soo Qabqabtay

Saacadihii lasoo dhaafay Ciidanka ammaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa ay howlgallo qorsheysan ka sameeyeen xaafaddo ka tirsan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Howlgalka Ciidanka ayaa intii uu socday waxaa lagu qabtay xubno dhowr ah oo lagu looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab iyo Daacish, kuwaasi oo la geeyay mid kamid ah Xarumaha ay leeyihiin Ciidanka Puntland.
Saraakiil ka tirsan laamaha amniga Puntland oo ka hadlay howlgal la sameeyay ayaa waxaa ay sheegeen in shakhsiyaadka la qabtay haatan lagu wado baaritaano kaal duwan oo la xiriira tuhunka markii horey loo soo qabtay.

Sidoo kale Saraakiisha amniga Maamulka ee Magaalada Boosaaso ayaa shaacin tirada dadka lagu qabay howlgalkii laga sameeyay halkaas, balse ay xaqiijiyeen oo kaliya in dad la qabtay, kadibna la xiray.

Qoraal kasoo baxay maalin kahor Taliska Ciidanka PSF ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay inay ku raad-joogaan xubno doonaya inay weeraro Argagixiso ka fuliyaan gudaha Xarunta Ganacsiga Puntland ee Magaalada Boosaaso.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Musharixiinta Shireysa

Bnnstaff Bnnstaff

Safiirka Mareykanka Iyo Taliyaha AFRICOM Oo Kulan Gaar Ah La Yeeshay Taliye Odawaa Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen

Bnnstaff Bnnstaff

Hadal Hayn Ka Dhalatay Sawir Lagu Arkay Taliyaasha Hindiya Oo Tukanaya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More