Borama News Network

Ku dhowaad 150 Muwaadiniin Soomaaliyeed Oo Ku Xayirnaa Liibiya Oo Dalka Dib Loogu Soo Celiyay

Dowladda Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo celisay boqol iyo afartan iyo shan muwaadiniin ah, kuwaas oo ku xayirnaa dalka Liibiya.

Barnaamijkan oo ah mid si ikhtiyaar ah uu qofka dib ugu soo labanayo, ayaa waxaa lagu soo warramayaa in 37 kamid ah dadkaas dib loogu celiyay magaalada Hargeysa ee jamhuuriyaddda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, halka inta kalena laga dejiyay garoonka magaalada Muqdisho.

Kumanaan dhalinyaro Soomaali ah ayaa Liibiya u adeegsada meel ay uga gudbaan badda Mediterranean-ka si ay u gaaraan Yurub, balse qaar badan oo kamid ah ayaa ugu dambeynti go’adon ku noqda dalka ku yaalla Waqooyiga Afrika,iyagoo u gacan gala dad “magafeyaal” ah

Barnaamijka iskaa u soo laabo waxaa gacan ka geysatay Hay’adda Socdaalka Caalamiga ah ee Qramada Midoobay (IOM).

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh “Cadowgeena inta uu nafahmay ayuu reer hebal inoo soo marayaa”.

Abdiaziz Bnnstaff

Wararkii Ugu Dambeyay Ee Xaaladda Raaskambooni Iyo Dhinacyada Dagaallamay Oo Hadlay

Abdiaziz Bnnstaff

“Askari 40 Habeen Maydkiisu Yaalo Cisbitaalka Hargeysa Oo Laysku Haysto”Siyaasi Mustafe Xuseen Oo Si Adag Uga Hadlay.

Abdiaziz Bnnstaff