Borama News Network

Mucaaradka ugu weyn Turkiga oo sheegay inay maanta joojinayaan dibedbaxyada

Iyadoo dibedbaxyo xooggan ay habeenkii lixaad ka dhaceen magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, xisbiga mucaaradka ee dalkaas, CHP, ayaa sheegay in isu soo baxyadii waaweynaa ee lagu qabanayay aqalka dowladda hoose ay soo gabagabeynayaan Talaadada, iyadoo aan sheegin tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan.

Shaacinta tallaabadan degdegga ah ayaa timid ka dib markii ay booliisku mar kale sunta dadka ka ilmeysiisa ku kala eryeen dadka dhigayay dibedbaxyada ay ku dalbanayeen in la sii daayo duqa magaalada,

Ekrem Imamoglu – oo ah musharraxa madaxweynaha ee mucaaradka sanadka 2028-ka, kaas oo la xiray todobaadkii hore lagu eedeeyay falal musuqmaasuq.

Related posts

‘Qalbiga xanuun ayaan ka dareemayaa’: Hooyo Aamino oo wiilkeedii labaad looga dilay Canada

Abdiaziz Bnnstaff

Qaramada Midoobay oo ku baaqday in Somalia iyo Itoobiya ka wada hadleen xiisad ka dhex alloosan

Abdiaziz Bnnstaff

Baarlamaanka Azerbaijan oo ansixiyay heshiis difaac ah oo ay la saxiixdeen Soomaaliya

Abdiaziz Bnnstaff