Borama News Network

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dib ugu laabtay furimaha Dagaalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu laabtay furimaha dagaalka halkaas oo labadii cisho kahor uga soo tagay la kulanka wafdiga sare uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf.

Sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ilo kala duwan, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa deegaanno kala duwan dib uga abaabulaya kulamada iyo fadhiyada looga hadlayo howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ si looga qabsaday deegaannadaas.

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan go’aansaday in uu furimaha dagaalka waqti kula qaato ciidamada iskaashanaya ee federaalka, Dowlad-Goboleedyada & Macawiisleyda halkaas oo difaac ugu jiraan.

Ciidan katirsan ilaaladiisa oo kusoo haray degmooyin katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sare u qaaday amniga maadaama uu Madaweynaha Soomaaliya uu ku wajahan deegaanno ilaa haatan aan si rasmi ah loo shaacin.

Related posts

Hoggaamiyaha cusub ee Bangladesh oo durba qaaday ballamo hor leh

Abdiaziz Bnnstaff

Ilhan Cumar “Aniga & Elon labadeenna waxa aan Maraykanka ku nahay soogalooti marka dadka loo diyaarinayo tarxiil”

Abdiaziz Bnnstaff

Waxaanu U Tartamaynaa Doorashada Xisbinimada” Dr Gaboose

Abdiaziz Bnnstaff