Farmaajo Oo Maanta Kulan Gaar Ah La Qaatay Guddoonka Golaha Shacabka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkiisa dhammaaday ayaa Maanta tallaado ah kulan gaar ah Xarunta Madaxtooyada kula qaatay Gudddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada ayaa waxaa lagu sheegay in kulanka Farmaajo iyo Guddoonka Golaha Shacabka looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo marxalada kala guurka ah.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Guddoomiye Maxamed Mursal, Muudey iyo Mahad Cawad ayaa sigaar ah kulankooda diirada ugu saaray sidii dalka Soomaaliya uga dhici laheyd doorasho heshiis lagu yahay, xili uu khilaaf xoogan uu ka taagan yahay.

Faah faahin intaas ka badan Warfaafinta Madaxtooyada dalka kama aysan bixin kulanka Madaxweynaha iyo Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ee waqtigiisu dhammaaday.

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyadoo mudoo xileedka Farmaajo idlaaday, sidoo kalena berri kulan ay yeelan doonaan Xildhibaanada Golaha Shacabka, isla markaaan waxaa hortegi doona Ra’iisul Wasaare Rooble oo jeedin doona Warbixin ku aadan 100-kii maalmood ee Xukuumaddiisa.

Musharaxiinta Madaxweynaha iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa Madaxda dowladda uga digay inay sameeyaan muddo kororsi, maadaama uu shalay dhammaaday muddo xileedka Madaxweynaha..

Xafiiska Wararka BoramaNews 

BoramaNews.com

 

Related posts

Marin Qarsoon Oo Markii Ugu Horraysay Lagu Arkay Ahraamta Wayn Ee Ee Dalka Masar

Bnnstaff Bnnstaff

Waa Sidee Xaaladda Magaalada Laascaanood Xilli Xalay Rasaas Googoos Laga Maqalayey?

Bnnstaff Bnnstaff

Sargaal Sare Oo Ka Tirsan Taaliban Iyo Dad Badan Oo Lagu Laayay Weerar Ka Dhacay Masaajid

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More