DEG DEG:-Madaxwayne Farmaajo Oo Mar Kale Shir Isugu Yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir ku saabsan arrimaha doorashooyinka isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa ka furmaya 15-ka bishan Febaraayo magaalada Garoowe ee Dowlad Goboleedka Puntland, waxa uu dhameystir u yahay fulinta heshiiskii ay Golaha Wadatashiga Qaran ku gaareen magaalada Muqdisho 17kii Sebteembar 2020.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sii xoojinaysaa dadaalkeeda ku aaddan sidii dalka looga hirgelin lahaa doorashooyinka, loogana wada hadli lahaa arrimaha lagu kala aragti duwan yahay iyada oo aasaasku yahay dhaqangelinta heshiiskii ay ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare 26kii Sebteembar 2020” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada.

Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa dhawaan shir maalmo socda ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb, hayeeshee waa fashilmay, iyadoona la isku mari waayay.

Shirkaan ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyadoo shalay uu dhammaaday muddo xileedka dastuuriga ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana qabashada shirka Madaxweynaha cadaadis ku saartay Beesha Caalamka.

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

Dad Ku Dhintay Duufaano Xooggan Oo Ku Dhuftay Bartamaha Iyo Koonfurta Yurub

Bnnstaff Bnnstaff

Turkiga Oo Duqaymo Ka Fuliyay Gudaha Dalka Suuriya

Bnnstaff Bnnstaff

WasiirKa Macdanta Iyo Tamarta Somaliland Oo ka Dhaqaaqay Su’aalo Warbaahintu waydiisay Daawo Siday Wax U Dheceen

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More