Borama News Network

James Swan oo si rasmi ah loogu magacaabay in uu noqdo Ergayga QM ee Soomaaliya

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku dhawaaqay in James Swan uu si rasmi ah u noqdo Wakiilkiisa Soomaaliya iyo madaxa howlgaleinta ee UNTMIS sida lagu yiri bayaanka uu soosaaray xafiiskiisa.

James Swan oo si kumeel-gaar ah ugu sii shaqeynayay xafiiskaan ayaa howshiisa si rasmi ah looga dhigay, wakiil buuxda ayuu u noqonayaa Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres sida hadalka loo dhigay.
Swan oo u dhashay Maraykanka ayaa horay shaqooyin kala duwan usoo qabtay, waxa uu si gaar ah uga soo howlgalay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dalkaas, James ayaa kamid ahaa xubnihii wakiillada Beesha Caalamka ee ka shaqeeyay qabsoomidda doorashadii 2022.

Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in ay wax ka baddel ku sameyso Xafiiskeeda Magaalada Muqdisho maadaama Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo jeedisay dib u eegis lagu sameeyo howsha uu ka hayo Caasimadda.

Related posts

Macron: Syria waa in ay ka qeyb-gashaa dagaalka Daacish

Abdiaziz Bnnstaff

“Shaqo Xumada Xukumada Ayay Ka Mid Tahay In Miisaaniyada Ay La Raagto, Hadhawna Nala Baryo……” Xildhibaan Mukhtaar Maydhane

Abdiaziz Bnnstaff

Colaada Ka Dhex Aloosan Gudaha Dalka Itoobiya Oo Cirka Isku Sii Shareeraysa Iyo Wararkii UgU Dambeeyay

Abdiaziz Bnnstaff