Madaxwayne Deni Oo Mar Kale Ku Baaqay In Shirkii Uu Madaxwayne Farmaajo Ku Baaqay Muqdisho Lagu Qabto

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Dowladda Puntland.

Shirka Golaha Wasiirada oo uu Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa todobaadkan looga hadlay Doorashada Soomaaliya, Amniga deegaannada Puntland, xaaladda Gobollada iyo Degmooyinka, horumarinta Waxbarashada iyo ansixinta Hindise Xeereedka Goobaha Taariikhiga ah ee Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Golaha uga warbixiyay xaaladda dalku marayo iyo dadaalka Dowladdu gelisay in la xaliyo oo laga heshiiyo tabashooyinka ka dhashay hirgelinta heshiiskii 17-ka September 2020.

Dowlad Goboleedka Puntland marwalba kaalin muhim ah ayey ka qaadanaysa sidii dalku uga gudbi lahaa marxaladda uu ku jiro, waxayna soo jeedisay in ay muhim tahay in dhakhso shir la isugu yimaado oo lagu qabto Muqdisho madaama Hay’adda Dastuuriga ah ee DFS wakhtigoodu dhammaaday, Shirkuna u baahanyahay wakhti badan in la geliyo, Saamileyda Siyaasadda, Beesha Caalamka iyo dhammaan dhinacyada ay khuseysona ay halkaasi wada joogaan.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Jilayaasha Ugu Waaweyn Bollywood-ka Oo Dacwad gudbiyay Iyo Cida Laga Gudbiyay Dacwadaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Waa Ku Wee 10ka Dal Ee Leh Wasakhowga Ugu Badan Ee Dhanka Hawada

Bnnstaff Bnnstaff

Ruushka Oo Sheegay In Ay Burburiyen Warshad Hubka Sameysa Oo Ku Taalada Gudaha Ukraine

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More