Khubaro Somaliyeed Magacyo Soomaali Ah U Bixiyay Maalmaha Iyo Bilaha Sanadka

Waxaa magaalada Jabuuti shirk u yeeshay khubaro ka soo tala bixisa sidii loo bedali lahaa magacyada tirsiga maalmaha iyo bilaha isla markaana looga dhigi lahaa Af-Soomaali.

Guuddi arrintan loo xilsaaray oo ka kala socday deegaannada Soomaalida ayaa soo saaray kal-tirsi cusub oo ay Soomaalidu gaar u leedahay.

Kal-tirsiga ay khubaradani soo saareen ayaa ka kooban 7 maalmood ee todobaadka iyo 12-ka bilood ee sanadka.

Ibraahim Axmed Cali oo ka mid ah guddigaasi ayaa sheegay in arrintan ay dood badan ka yeesheen khubaradii ka qeyb galeysay.
braahim ayaa intaa ku daray in guddiga lafa-gurayay arrintan ay ahaayeen kuwa ka kala socday dhammaan dhulalka Soomaalida ee Bariga Afrika.

“Guddigani oo ka kala yimid dhammaan deegaanada Soomaalida amaba shanta Soomaaliyeed sida uu gumeysigu u baxshay, kolka hore waxaa la gorfeeyay oo laga dooday todobada ayaamood magacyadooda, waxaa la soo bandhigay illaa wax ka badan 30 siyaabood oo todobada ayaamood loogu kala dhawaaqo oo ay ka mid yihiin tan ugu caansa ee imika la tirsado ee Islaamka ee afka Carabta”, ayuu yir Ibraahim.

Magacyada loo bixiyay maalmaha
Ibraahim Axmed Cali ayaa shaaca ka qaaday in ugu dambeyntii ay guddiga ku heshiiyeen magacyo cuusb oo lagu bedalayo kuwii hore ee maalmaha loo garan jiray.
“Maalmaha cusub ee af-Soomaaliga la isku raacay ee la ansixiyay waa Cadceeda(Axadda), Hobala(Isniin), Wableey(Talaado), Dabra (Arbaco), Fabeeleey(Khamiis), Dusa(Jimce) iyo Diimiley(Sabti),” ayuu yiri .

Waxaa sidoo kale khubarada ay ka doodeen 12-ka bilood iyo magacyada loo bixin doono.

“Waxaa laga dooday 12-ka bilood, guddiga way ansixisay oo waa la isku raacay 12 bilood , waayo awal waxaa la tirsan jiray uun bilaha magacyada Carabiga , bilaha magacyada Faransiiska, bilaha magacyada Ingiriiska iyo bilaha magacyada Taliyaaniga, marka bilo magacyo Soomaalidu leedahay oo cadceedda asal ku leh ayaa la isku raacay,” ayuu yiri Ibraahim.

Ibraahim ayaa si loo dhaqangaliyo go’aannada la isku raacay ee lagu bedalayay magacyada maalmaha iyo bilaha waxaa uu sheegay inay u yeereen jaamacadaha ku yaalla dhulalka Soomaalida.

“Guddiyo degmooyiinka Soomaalida ku dhan ayaan u wada yeernay kadib shirkaas waxaa loo bandhigay jaamacadihii Soomaalida ee Geeska Afrika ka jiray oo dhan, iyaguna arrintaas way ansixyeen marka qolo waliba in ay xageeda ka faafiso ayaa lagu heshiiyay,” ayuu yiri.
Ibraahim ayaan shaacin magacyada la isla qaatay ee loo isticmaalayo bilaha sanadkan.

Magacyada maalmaha todobaadka ayaa imika waxaa lagu tirsadaa magacyo Caraabi ah oo ay dadka u yaqaanaan.

Af-Soomaaliga ayaa waxaa ku jira erayo badan oo laga soo ammaahday luuqado kala duwan.

Waxaa kamdi ah luuqadaha ay Soomaalida ka soo ammaahdeen Taliyaaniga, Carabiga, Ingiriiska iyo Faransiiska.

Erayadan la soo ammaahday ayaa intooda bada noqday kuwa dhaqangala oo qaar kamid ah xitaa aan Af-Soomali sax ah loo hayn.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Masjid Taariikhi Ah Oo Lagu Burburiyay Gobolka Amxaarada Ee Dalka Itoobiya

Bnnstaff Bnnstaff

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow Oo Si Kulul Ugu Hadlay Weerarka Ay Ciidamada Kenya Dadka Shacabka Ah Ku Laayeen

Bnnstaff Bnnstaff

Kiiska Dacwada Bada Ee Somaliya Iyo Kenya Oo Dhawaan Lagu Dhawaaqayo Iyo Xiliga Lagu Dhawaaqayo

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More