Borama News Network

Muxuu yahay cudurka dadka badani u dhinteen ee lagu arkay Wajeer, Kenya?

Waxaa muddo toddobaadyo ah dhibaato ku haya qaar ka mid ah shacabka ismaamulka Wajeer cudur loo yaqaan Kala-azar oo sababay dhimashada ilaa 26 qof, iyada oo in ka badan 100 qofna uu soo ritay, haatana qaarkood lagu dabiibayo cisbitaalka guud ee magaalada Wajeer.

Qiyaastii 50,000 ilaa 90,000 oo kiisas cusub oo cudurkan ah ayaa lagu arkaa caalamka, iyada oo kali ah 25 ilaa 45 boqolkiiba la gaarsiiyo hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO. Waxaa uu keenaa dilaacitaan iyo filashada dhimasho ka dhalata cudurkaasi.

Meelaha ugu badan ee lagu arko cudurkan ayaa waxaa ka mid ah Brazil, Hindiya iyo dalalka Bariga Afrika.

Kala-azar (visceral leishmaniasis) ayaa lagu qeexaa inuu yahay kan labaad ee ugu dhimashada badan ee cudurada ku dulnoolayaasha caalamka, iyada oo kali ah uu ka dhimasho badan yahay marka la is barbardhigo, cudurka malaariyada.
Sida ay sheegeen madaxda caafimaadka Ismaamulka Wajeer, waxa ay ku dadaalayeen toddobaadyadii u dambeeyay ka hortagga sii fiditaanka cudurka iyo sidii nafaf kale loo badbaadin lahaa.
Dr Cismaan Cali Gaboose oo ka mid ah dhakhaatiirta magaalada Nairobi ayaa isaga oo u warmayay BBC ka warbixiyay waxa uu yahay cudurkan, calaamadihiisa, sida uu u faafo iyo dawaddiisa.

”Cudurkaas waa cudur laga helo inta badan wadamada kulaalayaasha, wuxuuna aad ugu badan yahay qaybo ka mid ah Afrika iyo qaybo ka mid ah aasiya iyo laatiin Ameerika. Marka cudurka Kala-azar ama ‘eishmaniasis’ waa nooc ka mid ah ku dulnoolayaasha ‘Parasite’ xaywaanada ayaa ku jiraa, waana u soo gudbi karaa bini’aadamka, waxaana gudbiya ‘sandfly” ayuu yiri Dr Gaboose.

Dhakhtarka ayaa intaa raaciyay in cudurkan uu dadka bini’aadamka marka ugu horeeya ka weeraro unugyada dhiiga oo uu saameyn ku yeesho, taasi oo sababta inuu dhiigu hoos aado oo ay keento calaamadihii dhiig la’aanta, sida daal, awoodda oo yaraata iyo inuu dhiigbax jirka ku yeesho, haddii unugyada uu saameeyo oo dhiigu kantaroolkiisu meesha ka baxo.

”Waxaa kaloo dhici karta in ay qanjirradu qofka waaweynaadaan, qandho yeesho, inuu jirkiisa meelo cascas ku yeesho oo jirkiisu dhiiga ku soo furmo” ayuu yiri.

Faafitaanka cudurka ayaa Dr Gaboose isaga oo ka hadlayay sheegay in Hooyada uurka leh ay ilmaheeda u gudbin karto iyo in dheecaanada iyo cirbadaha la isugu gudbin karo.

”Haa waa la isku gudbin karaa ama cayayaanka ‘sandfly’ ha gudbiyo ama qofka dheecaankiisa oo qof kale taabtay ha noqdo wuu gudbinayaa” ayuu yiri Dr Gaboose.
Cudurkan oo dad badan ay u dhinteen ayaa Dr Cismaan sharaxayaa sababta keenta ilaa heer dhimasho ”Dhimashada waxaa keena qofka dhiig bax ayuu u dhintaa, waxa ugu badan ee qofka khatarta galiya waa dhiigbaxa, waayo unugyadii jirka ee dhiigga soo saarayay ee loo yaqaanay ‘dhuuxa’ ayuu saameyn ku yeeshaa, marka qaybtaa jirka ee dhuuxa ee unugyada jirka soo saara ama xinjiraha qaybta dhiiga ama ‘HP-ga’ kuwa jirka u maamula soo saara ayuu cudurkan inta badan haleelaa, marka qofka waxaa ku dhacaysa dhiig la’aan. Marka dhiig la’aanta ayaa keenaysa qofka wadnuhu shaqeeyn waayo, waxaa ay keenaysaa dhiigbax uu qofku u dhinto, maadaama xinjirihii hoos u dhacayaan. Inta badan qofku waxa uu u dhintaa dhibaatoyinka uu keeno ku dul nooluhu” ayuu yiri Dr Cismaan Cali Gaboose.

Dawada cudurka ayaa dhakhtarku sheegay laba nooc loo kala qaybiyo, in qofka lala tacaalo oo dawo kaalmaati ah la siiyo oo ah in qandhada laga jabiyo, haddii dhiigu ku yaraado dhiig lagu shubo iyo in dhiig lagu shubo haddii xinjirihii dhiiga hoos u dhacaan, ka dib waxaa jira dawo gaar ah oo ‘Parasite-ka’ loogu talagalay oo lagu daweeyo.

WHO ayaa ku sheegtay Kala-azar cudur cimilada u nugul, gaar ahaan isbedelka heer kulka, xili roobaadka iyo qoyaanka oo saameyn weyn ku leh tirada cayayaanada duula.

Sida laga soo xigtay dhakhaatiirta aan xuduudka lahayn ee (MSF) baaritaanada iyo daweynta cudurka, gaar ahaan kala duwanaashaha la helay ee dalalka bariga Afrika ay tahay adag oo xanuun badan.

Wasaarada caafimaadka Kenya oo sii maraysa waaxda caafimaadka dadweynaha iyo heerarka xirfadeed ayaa bilaabay jawaab degdeg ah oo wax looga qabanayo dilaacitaanka Kala-azar ee Wajeer iyo Marsabit, iyada oo ilaa 617 kiis laga soo sheegay deegaanadaasi.

Xooghayaha joogtada ee wasaarada caafimaadka Kenya Mary Muthoni ayaa sheegtay in qalab daweyn iyo baaritaano oo ay ka mid yihiin saddex shaybaar u direen qaar ka mid ah degmooyinka uu saameeyay cudurkaasi.

Related posts

Dowlada Kenya Oo Soo Iibsatay Diyaaraha Dronska Ee Byraqtar

Abdiaziz Bnnstaff

“Jabhaddii Buurta Gacan Libaax Gashay Waxay Ahaayeen Innamo Dayacmay” Siyaasi Dhoola Yare

Abdiaziz Bnnstaff

35 Xubnood Oo Lagu Soo Eedeeyay Budhcad Badeed Somaliyeed Oo Lagu Maxkamadaynayo Dalka Hindiya

Abdiaziz Bnnstaff