Muwaadiniin Soomaaliyeed Oo Dil Iyo Dhaawac Loogu Geystay Koonfur Afrika

Kooxo Burcad Koonfur Afikan ah ayaa xalay Gudaha dalkaas waxaa ay dil iyo dhaawac ugu geysteen muwaadiniin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Soomaalida Ganacsi ahaan u tegay dalkaas, iyaga oo goobta ka basaday.

Soomaalida la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray C/xakiin Jeelle iyo Mikaa’iil Bitoow, waxaana la sheegay in lagu dilay Goob Ganacsi o ku taal Magaalada Port Elizabeth ee dalkaasi Koonfur Afrika.

Mid ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in Kooxaha Burcadda ah ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ku weerareen goobtooda Ganacsiga, sidoo kalena ay weerarkaas ku dhaawaceen Wiil Dhalinyaro ahaa oo Goobta uu werarka ka dhacay ku sugnaa.

Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika ayaa sida caadada aheyd waxaa ay tageen halka uu dilka dhacay, hayeeshee kuma guuleysan inay gacanta ku dhigaan kooxihii dilka u geystay Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

24-kii Saacadood ee la soo dhaafay ayaa Gudaha dalka Koonfur Afrika waxaa lagu dilay 4 dhalinyaro Soomaaliyeed ah, waxaana dilalkaas weli ka hadlin Madaxda dalalka Koonfur Afrika & Soomaaliya, iyada oo horay loo dilay muwaadiniin farabadan oo Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Maxkamada Ciidamada Jubland Oo Xukun Dil Ah Ku Riday Nin Ka Tirsanaa Alshabaab

Bnnstaff Bnnstaff

Ra’iisal Wasaarihii Hore Ee Afghanistan Oo Sheegay In Aanu Daaliban Aqoonsan Iskuna Dhiibayn

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwaynaha Somaliya Oo Khudbad U Jeediyey Ciidamada Tababarka U Jooga Dalka Turkiga

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More